Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Miiskiin Yaa Farmaajo Haad Iyo Habaqle Baa Isugu Habar Wacday Oo Qoraxda Lagu Dubtay .. Qalwadi Viilada Waxa Galay Ninkan Ogeyn Xasan Shiikh Ee Kheyr Iyo Shar Keebaan Ku Tirinaa

Sunday - May 15, 2022




Waxaa caawa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo horay mar u soo noqday Madaxweynihii 8-Aad ee Soomaaliya ee ahayed intii u dhaxeysay sanadihii 2012—2017-kii,  waxaana watigaas hor yiilay mushkilo waaweyn oo aysan dawladu wax dakhli ah xareyn-karin iyo wax kordhinta dhaqaale intaba, taaso kentay in waxba xaga horumarka u dhaqaajin waayey, sido kale waxuu xakameen waayey argagixisadi Al-shabaab, balse markaas ma jirin ciidan iyo dhaqaalo mid looga hortago, laakiin waxaa si gaara Xasan loogu amaana inu waqtigi loogu tala galay doorashada u xiligeedi ku qabtay, mana isku deyn inu xilka si aan sharci ahayen ku kororsado 

Xasan Shiikh oo caawa loo dhaariyey Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya wuxu sanadki 1955 ku dhashay Degmada Jalalaqsi ee bartamaha Hiiraan, wuxuuna dugsigiisi sare ku dhameystay Mogdisha, kadibna jaamacadi ummada ee mogdisho ayuu ka qaatay shahaado, dabadeedna noqoday tababare dugsiga sare ee farsamada 

Arintu si kastaba ha haate Xasan Shiikhow waa ku nasteexeynaya, Raga magaca guud iyo Magta waa ka siman yahay oo Himad baa ku wad mudan, laakiin Rabi meel ma wada marin oo mid waliba surwal iyo shaar iyo Macwis waa qaadan-kara waana noqon kara madaxweyne iyo wax la mida oo wax badan ayaa laga sugaaya inaad dib u saxdo oo ugu horeeyntu tahay wixii aad adigu shakhsiyan horay u qalday dib u fiiriso, isla markaana wixii ina farmaao qurmiyey iyo khasaarihi dhacay ee aan la miisaam-karin aad ku dhameeyso cadaalad .. Oo Ogow xeradi xafiiltanka qabiilka gunteedi waa la soo taabtay oo ilka cadeyn hoosta ka qalalan lagaa sugi-maayo .. Xasanow iska jir inaad u miliqsato sidi Mas cagaleey haraaday, mana jiraan Ceyrin iyo biseyl wax ka dhaxeya oo waa yacyacood lama cuno .. fadlan shacabka maamulkaaga ka ilaali Awr-kiraale basaas lagu shaqeysto oo dalka jaaha-wareer galiya .. Is ka ilaali  waxaan sal iyo raad lahayen iyo durbaan-beenaad ummada loo garaaco iyo inaad si xun isula baxdo oo aad xfiisyada u tiriso midba ku ka liito, oo fadlan Yaa Xasan ha nagu noqon Cayr xakamaha laga jaray oo ha oran Alla Caashay Macaana, isla markaana naga ilaali fandhaalo lagu cuno hantida umadda ee la fut-futeynaayo  .. Xasanow ogow Rag cadaalad waayey sidi Cawsha kala yaac .. Gabagabo Waxaan ku leeyahay noqo kii noo hagaage noqo loo hanweyn yahay