Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xaalku Wuxuu Maraya Miskiin Baa Misko La Fuulo Leh .. Kursigi Fahad Yaasiin Malmaluuq Iyo Waxaan Jirin Ku Fuulay Oo Loo Wareejin-doono Faarax Cabdul-qaadir Ee Horay Loo Quursaday

Tuesday - May 17, 2022





Waxaa la sheegaya in kursigi dooda adag ka dhalatay Ee Fahad Yaasiin tartankiisa dib loogu laabaanaayo, kaaso markiisi hore Guddiga FEIT ay diideen habraacii khaldanaa ee Fahad ku soo qaatay Kursiga sidaas awgeedna waxa loo diiday inuu ka mid noqdo golaha shacabka Soomaaliya Baarlamaanka 11-aad dabadeena waa Fahade ku hagoogtay buste

Fahad Yaasiin oo surin walba ka soo xirmay illa lagu yiri ka bul shiikhow waxba meesha kuma yaaline ayaa quus iyo rajo beel ka muujiyey arintaas hadana wuxuu ku sii guuldareystay inuu mar kale xukunka ku soo celiyo Farmaajo oo madaxweynaha 10-aad uga adkaaday Xasna Sheekh maxamuud .. Fahad isaga mulkiilo ahaa, isla markaana macallina u ahaa Maxamed Farmajo oo sidu yiraahdo u soco buu u dhaqaaqi-jiray, iyado haddana u yeerin-jiray wuxuu qabanaayo .. Fahad iyo Farmajo maanta goob xun bey yuuraraan waayo kuma ay tashan sidaan iney ku dambeyn-doonaan .. Waayo arag-nimo la'aaney Ba'

Galdogo Times ayaa heshay xogo hoose oo sheegeysa in waxgarad iyo beesha reer Aw-xasan ay wadatashi ka leeyihiin shakhsiga mudan in kursigaasi la siiyo maa-daama tii uu Fahad ku soo baxay ay awood muquunis aheyd iyo ergo la aqoonin.

Wararka xogta cusub ayaa sheegaya in Faarax Sheekh C/qaadir oo kursiga hore ugu fadhiyey ay u badan tahay in xildhibaanimadiisa ku soo laaban-karo .. Faarax wuxuu hadda ku suganyahay Magalada Qaahira ee dalka Masar

Sida la xusaayo  Faarax Cabdulqaadir waxa caawin kara inuu helo garab adag waana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay saaxiibo waxbrashada iyo siyaasada sanado badan ku ahaayeen .. Lama oga waxa is-badeli kara balse Faarax ayaa ugu dhaw inuu kursigaas qaato