Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Maanta Aduunki Waa Kala Saftay .. Butin Wuxuu Ku Dhaanteynaya Dhaawaca Ku Yaal Yurub .. Joe Biden Dhiranaan Laga Waa ..China Dabarkey Soo Goosatay .. Somaliya Waa Lagu Soo Qamamaya Waa La Kala Boobaya

Sunday - May 22, 2022




Maanta aduunku waa kala saftay waxaana laga yaabo in ay yimaadaan quwado is caabiyayaa .. madaxweyne Joe Biden oo ku dhiiran La' inu dagaal toos la galo Ruushka ayaa baadi-goob ugu jira in dawladaha Yurub ku sii biiraan Xulufada NATO, taaso micnaheedu yahay diyaar garow iyo dagaalo dhex mara Russia iyo intii la aragti noqota Isbahaysiga Nato .. Yurub gaajo darteed haddey soo ridatay oo Nafti baa ka sii khiikh leh

Dalka Russia ayaa dhaqaale ahaan iyo awood ahaan-ba u muuqda mid is hubsaday waxaana aduunku u arkaan dagaalka Ukraine in uu yahay dhoolatus iyo tusaale uu u dirayo aduunka kale gaar ahaan NATO .. Madaxweyne Butin ayaa waayahaan dambe Dabka u ku shiday ku dhaanteynaya dhaawaca u gaarsiyey NATO ee xag dhaqaale iyo cudud milatari intaba .. Waxaa jira Caruur-Caruur aan lala ciyaarin

 Xiligani waxa aduunka ka jira quwado kale oo cudud ah oo dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba ah qaar dabarka soo goostay oo uu ka mid yahay dalka China oo ku jira isbalaarin lagu qabsanayo ama kasbanayo dalalka kale ee aduunka .. Ruush iyo China oo abaabul mideysan ku tashaday is ka naarka Is bahaysiga NATO

Dhinaca kale, Geeska Africa oo dhaca dhinaca Bari ee qaarada Africa waxa uu ku yaallaa mid ka mid ah goobaha aduunka ugu istarajisan , waxaana wejahadihiisu kulaalayaan badweynta Hindiya iyo Badda Cas  .. Waxa ku yaalla marinka biyoodka bada cas oo ay maalintii ka gudbaan ganacsiyo gaaraya Trillions dollars oo ku socda Europe ta galbeed iyo Maraykanka oo ka taga Jasiirada carabta , Iran, Turkey iyo bariga fog sida Taiwan, Japan, China, Indonesia, Singapore, India iwm.

Geeska Africa waxa uu isku xiraa Qaaradaha Asia iyo Africa gaar ahaan wadamada hodanka ah ee carbeed oo aduunku dano badan ka leeyahay iyo qaarada cagaaran ee 54 dawladood ka kooban oo ah suuqa aduunka ugu weyn isla markaana ah quwado iyo xoog soo muuqda oo aduunku kala hororsanayo kasbashadooda .. Waxa intani dheer waa gobol kheyraadkiisu dihin yahay oo leh Saliido cayriin ( Shidaal ), Macdanaha kala duwan , Gaasta dabiiciga ah , Dhul dihin oo ku wanaagsan wax beerista , xoolo iwm oo intaasiba uu aduunku baahi weyn u qabo xiligani .

Wadamada hirdankoogu tooska u muuqdo waxaa ka mid ah China oo dalalka Geeska Africa intooda badan maalgashi weyn ku sameeyey oo qaarna ku leh saldhigyo ciidan .. Russia oo gobolkani u jooga hab ciidan oo dalalka gobolka qaar ka mid ah ciidamadooda gacanta ku haya sidoo kale saldhigyo waaweyn ku leh qaarada Africa oo ilaa 29 Dal siyaabo kala duwan uga hawl gala.

Dalalka Geeska Africa ee ay ku loolamayaan waxa ugu horeysa Somaliya oo uu dalka maraykanku u arko meesha ugu muhiimsan ee uu danihiisa mustaqbalka ka ilaashan karo xili werwer weyni uu ka jiro is-balaarinta China ee Geeska Africa oo laga yaabo in ay Somaliya soo gaadho.

Sidoo kale dalka Russia ayaa dhawr goor ay yimaadeen Somaliya safiiradiisa Djibouti iyo Addis-Ababa 16 sanadood ee ugu dambeeyay kuwaasi oo la sheegay in ay danaynayaan in ay yimaadaan Berbera, mogdisho iyo Bari si ay saldhig ciidamada ah oo ay kuwa Badu ka mid yihiin uga helaan.

China oo in badan Somaliya ku soo noq-noqday ayaa dooneysa iney saldhig ka sameysato meelo ka mida somaliya, waaana laga yaaba beryahaan iney soo abaaraan dawlada cusub ee ka dhalatay somaliya si ay ula gashao gor-gortan saldhig