Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Afar Qaadkii Iyo Socodki Ma Eersaday Wareegi .. Lafta-Gareen Oo Isagu Isu Qaatay Haadka Keli Ah Ee Duula Hawada Konfur Galbeed Oo Maanta La Eryanaayo

Tuesday - May 24, 2022


Sida la xaqiijinaayo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata goobta ugu horeysa ee nidaamka madaxweyne Xasan Shiikh ka geli doono dagaalka siyaasadda, walwal xoog leh ayaa hareenaya hoggaanka maamulkaas .. Maadxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ka mid ah taageerihi ugu cuslaa  siyaasadeed ee uu Farmaajo ku beeray maamul goboleedyada dalka ayaa ku guul-dareystay labadiisii isku day ee doorashadii dowladda federaalka ah.

Lafta-gareen wuxuu rabay in Xasan Cabdinuur uu noqdo hoggaamiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, balse waa looga adkaaday, kadib wuxuu isku dayey inuu Farmaajo dhisto, iyadiina uma suurta gelin .. Qorshe uu rabay in wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha loogu wareego dhanka Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale waxaa ka diiday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Jabkaas kadib, Laftagareen wuxuu hadda wajahayaa muran iyo dagaal ku saabsan kursigiisa. Nidaamka cusub ee ka curtay Soomaaliya abaal badan kama filayo Laftagareen.

Inkastoo xubnaha reer Koonfur Galbeed ee miisaanka ku leh dhanka madaxweyne Xasan Shiikh aysan badneyn ama aan culeys dheeri ah oo deg deg ah abuuri karin, haddana Xasan Sheekh wuxuu fahamsan yahay sababihii loo abuuray madaxda maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, taas oo aheyd arrin la xiriirta dib u doorashada Farmaajo.

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo shalay ka hadlay magaalada Baydhaba, wuxuu sheegay in duulaan lagu soo yahay maamulka Koonfur Galbeed oo la rabo in la dumiyo .. Taliye Mahad oo hadda xildhibaan ah wuxuu sheegay in haddii la isku dayo in maamulka lagu soo duulo inay dagaalami doonaan oo ay maamulka difaaci doonaan, wuxuuna diray farin walaac iyo hanjabaad kulmisay

Seddex dhinac ayaa la sheegay inay Muqdisho ka wadaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Laftagareen. Qolo waxaa hoggaaminaya Shariif Xasan Shiikh Aadan hoggaamiyihii ugu horeeyey ee maamulka Koonfur Galbeed kaasoo sidoo kale uu dhwaan Laftagareen u diiday inuu tago magaalada Baydhabo si uu xildhibaanimo ugu tartamo .. Kooxda labaad waa kooxdii Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur halka ay jiraan koox seddexaad oo ah siyaasiyiin gooni u daaq ah oo deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo bilaabay inay iska wareystaan arrimaha maamulka Koonfur Galbeed iyo hoggaanka hadda jooga.

Seddexdaas dhinac oo midooba oo garabna ka hela maamulka cusub ee Villa Somalia waa adag tahay inuu u babac dhigo Laftagareen ayey leeyihiin falanqeeyaashu .. Waxaa durba bilaabatay dood ku saabsan mudada u hartay Laftagareen. Kooxda isbadal doonka ah ee Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in bisha December ee sanadkaan inuu ku egyahay muddo xileedka Laftagareen halka uu isaga xisaabsanayo inay u dhiman tahay hal sano iyo lix bilood.

Dagaalka koowaad ee lagu qaadayo Laftagareen wuxuu noqon karaa in isaga iyo xildhibaanada la iska hor keeno oo mooshin lagu bixiyo lamana yaqaano sida uu mashruucaan ugu miro dhali karo kooxda hadda abaabulka wada.