Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Nabigii ILaahay Noloshiisi Oo Dhan Mid Lagu Nastay Ahayed Aduunyada Ku Nagaaday .. Habeenki Nabi Maxamed SCW Samada Loo Dheelmiyey Maxaa Cajaaiib Ah Oo La Tusay Ee Wax Ku Qaado Waanadaan

Sunday - May 29, 2022




Habiinkii "Laylatul Israa" markii uu Rusulkeenu SCW Samada u dheelmay isga oo Malak Jibriil CS la socdo waxa la tusay Dad wixii Aduunkii ay ka shaqaysteen abaalkeedii la mariyay ka dib markii ay dhinteen .. Sida culimo ay ka mid-yihiin Al-Bayhiqi iyo Ibn Jariir inoo soo gudbiyeen aragtiyahaa Rasuulka SCW la tusay ee uu inoo soo tebiyay, ujeedadeedu waxa weeye inaynu wax ku qaadano .. Waa waano ILaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa ka timi oo uu inoo keenay Rasuulkii Runta iyo Raxmaddu ee Bal Ilaahay haynagu anfaco eh, aan tusaalooyinkaa qaar ka soo qaadno.

Rasuulkeeni oo dheel-mitaanki ku jira wuxu arkay Dad dhagxan-waawayn madaxa laga saarayo oo dhulka ku dhacaya. Hadana soo kacaya hadana dhagaxii la saarayo hadana dhulka ku dhacaya Falkaasna lagu celcelinayo .. Rasuulki SCW Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yiri "Waa maxay dadkani?” Jibriil wuxu ku yiri, "Waa Dadkii aan tukan jirin ee aan salaad foodda dhigin"

Rasuulki Hadana wuxu arkay Dad jeex yar oo Maro ah, oo cawradooda uun qarinaya, inna xagga hore saaray inna xagga dambe, oo ku foofaya dhirta Naarta iyo dhagaxeeda sida xooluhu ugu foofaan geedaha. Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yiri, "Waa kuma kuwaanna?” Wuxu ku yiri "Waa kuwii aan xoola-hooda Sekeda ka bixin jirin"

Hadana Rasuulki wuxu arkay Dad luqantoodu ta geela oo kale tahay oo inta afka loo kala qaado lagu qulaaminayo dhagaxan Naar ah, isla markiibana inta ay qayliyaan dabada ka sii daynaya. "Kuwanna waa kuwama? Ayuu ku yiri Jibriil. "Waa kuwii xoolaha agoonta dulmi ku cuni jiray" Ayuu u sheegay Jibriil.

Rasuulki SCW Hadana wuxu arkay Dad calooshoodu tahay sida guryaha oo kici kari la’. Markay kaca is yiraadaana dib u dhacaya. "Kuwana waa kuma? Ayuu ku yiri Jibriil. "Waa kuwii ribada cuni jiray" ayuu ugu jawaabay.

Rasuulki Hadana wuxu arkay dad dibnaha lagaga jarayo Maqas Xadiid ah. Marka la jaro ka dibna, sidoodii ku soo noqonayaan dibnihii. Hadana la jarayo. Sidaasna lagu celcelinayo. "Kuwana waa kuma? Ayuu weydiiyay Jibriil. "Waa kuwa hadalkoodu fidnada kiciyo" ayuu ugu jawaabay"

Hadana wuxu arkay nin urursaday Rar-weyn oo aanu qaadi karayn hadana leh ha lay soo kordhiyo. "Kana waa kuma?" Ayuu weydiiyay Jibriil. "Waa nin ummadaada ka mid aha oo amaana sida oo qaadi kari la’ hadana doonaya in loo kordhiyo ayuu ugu jawaabay. Alahayow na nabadgeli oo nicmadaada nagu dhawr.