Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qiso Cajiib Ah Oo La Amaanay .. Sheekadi Dhex-Martay Oday Waayeel Ah Cuduro Badan Qabay Iyo Nin Reer Miyi Ah Diinta Aan Ku Fiicneyn

Saturday - June 4, 2022



Nin Reer Miyi ah ayaa maraayay meel Buur agteeda ah, waxuu Buurta hoosteeda ku arkay Nin Waayeel ah indho la' waxaana Odaga jirkiisa ka Muuqday inuu qabo cuduro aad u badan. waxay u ekayd in Odaygu aanu sii Noolaan doonin, maxaa yeelay qaybo Jirkiisa ka mid ah Dareen ma lahayn, sidaa darteed Hal dhinac oo Keliya ayuu u fariisan-karay. 
Marka Ninkii Reer Miyiga ahaa uu Odayga in yar dhaafay, ayuu maqlay Odaygii miskiinka ahaa oo leh: ILaah Ayaa Mahad Leh, Allahii iga Badbaadiyey Cuduro Badan oo uu Dadkiisa ku Imtixaamay, Runtiina Alle wuxuu iga Doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu Abuuray.

Ninkii Reer Miyiga ahaa oo dhagtiisa ay ku dhacday ereydaas odaga ka soo baxay ayaa dib ugu soo noqday Odaygii jiranaa wuxuuna ku yiri: Walaal Ma Wax Alle Kaa Badbaadiyay ayaa jirta? ILaah Ayaan Ku Dhaartaye Cudur Jirkaaga Ka Maqan Ma Jiro Ee Bal ILaah Ka Tuug inuu ku Caafiyo.

Odaygii jiranaa ayaa isagoo dhinac isku Tiirinaayo Ninkii Ugu Jawaabay: Walaal, Haddaan Heysto Af iyo Carab Aan ILaah ku Xuso iyo Qalbi Aan ILaaheey Kula Xiriiro, Maxaa Kaloo Iga Maqan Nolosha Qiimaheeda Waaba intaase, oo intaasba Dad Aan Heysan Ayaa Jiro.

Erayadaan ayaa badalay Ninkii Reer Miyiga Ahaa, Oo Ahaa Nin Aan Diinta Ku Fiicnayn .. Ninki Reer Miyiga ILaah Subxaana Watacaala Ayuu U Towbad Keenay, Oo Dembi Dhaaf Weydiistay, Mudadaas Ka Dibna Waxuu Ahaa Mid Alle Ku Xiran .. Wabillaahi Towfiiq.

hits Hits : 2091