Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Taariikh Ino Cusub Madaxweyne Alle Dartiis Mushaar La'aan Umadda Uga Adeegay .. Ma Gabade Farmajo Oo Ku faanaya Wixii Laga Xishoon Jiray .. Indha Adkaa Ma IL Kaluun Buu Liqay

Monday - June 6, 2022



Karaamada iyo magaca somalida wax-yaabaha hoos u dhigay waxaa ka mida War la'aan, Tubta qaldan, talo xumo iyo garasho la'aan taaso keentay in sheekooyin halalasiga bar-kuma taalka ah si laysar ah bulshada qaarkeed loogu marin-habaabiyo .. Kutiri-kuteen, Been lays ku maaweesho oo bulshada Caamada inteeda badan lagu khaawisiiyo waa mida somaali ka dhigtay Dam-daguugan.  

Maxamed Farmaajo, inkasto bulshadu guudka kala socoto, hasa-ahaate aniga sooyaalkiisa nololeed illa xad si gaara ayaan uga warqaba .. cidina kama qarsoona Maxamed Farmajo kursiga Villa somaliya qaabka u ku yimid ee ahayed Dicyaad xad dhaafa la loodin-waayey oo shakhsi-nimadiisa wax jira iyo waxaan jirin laga malmaluuqay, waxaana la gaaray heer lagu nabo waa hormoodka xaqa, Waa Run sheeg, waa geesigi dimoqaraadiyada, waa Mahadi soo daahiray ee bulshoy difaaciisa ha lagu hagoogto ila u isu qaatay kan aan Shimbir dhaama jirin, amase xabada kaluunka ah ee Bada ku jirta  

Arinkiisaba si kastaba ha u jirte, haddi aan wax ka soo qaato warbixinta Faylka Maxamed Farmaajo waxaa ku jira: Sidiisaba Ma aha Nin wax curiya, wuxuu yaqaanana waxba kuma daro, mararka qaarkood marka aad la kulanto tuhun baa kaa galayo ah ma yahay mid wax u kala soocan-yihiin, garasho la'aanta haysa gaar ahaan marku afka kala qaado aad kala kulmeyso wax aanad fileyn .. Cal Ay xaal ma daama u hadda kursigi madaxtooyada dibada ka joogo ma rabo inaan ku dheeraado sharaxaada ama guda-galo waxa Faylka ugu wada qoran, laakiin koleyba waxaan ka mid ahaa dadki saluugu galay xiligi doorashadisa hasa-ahaate Calaf iyo Deeq Eebe bixiyey baan ku raali-noqday.

Nin Baa laga sheegay markii horeba anigo Ooyaayey bey iminka Riyi igu soo joogsatay, waxaan yaabka yaabkiis la qoslay sheekada lala yimid ee beryahaan Baraha Cyayaanka isla soo mutaxayaan ee ah Maxamed Farmajo ayaa loo qaaraamaya sidi Guri loogu dhisi-lahaa taaso ujeedada laga leeyaay aysan cidna ka qarsooneyn oo xita doqomada ay fahmi-karaan .. ujeedka weyn u yahay si loo yiraahdo Cabqarigi wadaniga Maxamed Farmajo waa xalaal quute waa miskiin lacag ma xadin, lacag ma haysto waa Awliyo ka soo jeeda cashiiradi Nabiga oo alle darti buu ummadda ugu adeegaayey .. Subxaanka Yaa Cadim 

Nolosheeyda inta aan taariikh akhriyey intaan waqti u soo joog ahaa Dacaayad ka liidata oo aan hor iyo dabo-toona lahayen oo tan la mida weligey ma arkin .. Bal eega waxaad halkaas ka qiyaas qaadan-karta shakhsiyada Maxamed Farmajo ku gaadaaman iyo heerka noocaas oo u ku doonaayo inu bulsho ay ku jiraan PHD Doctor Philosopy, Wax-garad iyo waayo-arag ka gado sheekadaas raqiiska ah .. malaha sheekadaan waxuu ugu tala galay inu ku xod-xoto dadka Bara-kacyaasha iyo inta garaadka aan la hayen si ay berito u yiraahdaan Gurigaas quruxda badan shacabka u dhisay oo ma aha lacag u xaday sida kuwi ka horeeyey

Maxamed Farmajo khamaarka u ciyaaraayo iyo dadka u la hadlaayo wuxuu moodaya iney kuligood la khaldi-karo oo aysan waxba garan-karin .. wuxuu abaaray meel aan xaqiiqada oolin, waxay runtu tahay oo u la yimi kiis marin-habaabin ah oo dadka caqli-gaabka ah oo wax in loo yeeriyo mooye aan maskaxdooda wax ku sameysan-karin .. Maxamed Farmaajo  waa in Afminshaarada Baraha Bulshada ee hadda la yiraahdo Af-Dhabaan-Dhab dhuuni la tagay oo aan wax kalaba ku ceeshin ay deg-deg amiirkooda u toosiyaan, isla markaana dareensiiyaan in aqoon iyo ogaal-ba jiro, waxaana haboon in talo la siiyo wax tar ah oo dabadeed hadey suragal tahay isa saxo, haddi kale waxaa la soo darsi-doona khasaara culus, murana ku reeba iyo haddi aan sidaa iyo sidaa yeeli-lahaa

Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa xaqiijinaaya in Madaxweyne Farmaajo Bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar iyadoo Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar .. Shanti Sano u kursiga Fadhiyey wuxuu mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar) .. Intaas waa kaliya mushaarka Farmaajo uu ka qaatay dowladda intii uu shaqaynayay, balse kharajkaan kuma jiraan xuquuqaha kale ee madaxweynaha iyo lacagaha danaha kale lagu dabarayay .. Waxaa sidoo kale la ogaaday lacagta uu xaqa u leeyahay Farmaajo oo uu qaadan doono inta ka dhiman noloshiisa, taas oo u billaabatay maalintii uu xafiiska baneeyay taaso dhan 25-000 doollar

Hadaba Maxamed Farmaajo halkee ayuu uga jiray madaxweyna-yaasha ugu mushaarka badan Qaarada Afrika .. Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa Qaarada Afrika Shantii Sano ee la soo dhaafay, mushaarna u qaatay $3,780,000, haddana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.? isla markaa marna ma la is weydiiyey kharajki laga helay Afrta Markab Shiineysku leeyahay ee Badeena Sadex sano kaluunka ka guraneysay.