Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dadku ILeyn Waa Masaakiine Iyago Og Inu Tuug Yahay Ayey Ku Amaanayaan Tuuga-nimadiisa Oo Haddana U Duceynayaan .. Tuugi Tuuga Kale Go'a Kala Cararay

Friday - June 10, 2022




Nin Tuug ahaa ayaa intuu isa soo qaawiyey is yiri Reer u dhac ka dib isagoo qaawan baa la eryaday. Ka dib isagoo ordaya ayuu Nin dariiqa maraya Oo dhar badan Sita go' kala cararay .. Aroortii danbe kii go'a lagala cararay Oo isaga laftiisa Tuug ruug cadaa ahaa ayaa maqaaxiddii soo fariistay isagoo Shaah ka bixinaya dadkii maqaaxida fadhiyey maadama uu xalay Ilaahay ka badbaadiyey Shaydaan Tuug ah Oo qaawan Oo go' kala cararay.

Show waxaaba Shaaha wax ka cabaya Tuugii Shaydaanka la mooday. Kolkii cabaar lays waraystay ee Loo duceeyey Tuugan shaaha shubaya. Dadku ileyn waa masaakiinoo iyagoo ay og-yihiin inuu Tuug yahay ayeey hadana shaahiisa cabayaan Oo weliba ka xun yihiin dhibaatadda gaartay oo weliba qaarkood ku amaanayaan Tuuganimadiisa oo ay u duceynayaan.

Kolkii danbe kolkii Tuugii Shaaha shubay ku celceliyey isagoo murugaysan " waa markii Ugu horeysay ee aniga lay khiyaameeyey Oo weliba shaydaan i dhaco!" Kolkaasi Tuugii uu shaydaanka mooday baa u jawaaboo ku yiri "Iska adkayso in badan baad adiguba wax khiyaameynaysay sow maaha sidaasbad buro ku haysayoo wixiiyoo hantiya Oo aad habeenkii sidatay kuu Nabad gashaye!!

Hadaba ninkii shaaha shubay ee tawaawacayey baa yiri "Maah-maah Chinese ah ayaa tiraahda haddii dayn lagugu leeyahay hore haw bixin waa intaasoo cidii kugu lahayd ay dhimataaye" Nin kaloo si fiican u yaqaana Oo meesha fadhiyey baa yiri "malaha doorkan adigaa dhimanayee nin iska dhig Oo cabaadkii jooji awalba wax aanad ku soo tabcin baad xadaysay oo sidataye"