Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ayaan Darada Taal Oohinta Yaxaas Hadalka Fahad Ee U Eg Teen Ege-ka Sindheerta Yaw-Yawo Maxaad Tiri .. Fahad Oo Dhex Fariistay Daamur Kulul Fool-kaano La Arkaayo Ku Qaraxday

Saturday - June 11, 2022




Waxaan dhageystay wareysigi la xariira jawaabaha qu'raan dhurwaaga Maro iska xoorka ah ee u ku burqaday Fahad Yaasiin .. ugu horaanti waxaa ii soo baxday in wariyaha iyo su'aalaha la weydiinaayey u isagu waa fahade soo diyaarsaday waayo ninka wareysanaaya ma aha dhex-dhaxaad, balse wuxuu ka mid yahay baraha bulshada ee sida gaarka ah u taageera dawlada Farmaajo .. Tan labaad waxaa doodiisa iga soo dhex baxday inu yahay nin aan si looyar-nimo cilmeysan isu soo diyaarin is difaaciina oo aan qancin bulshada u la hadlaayo, balse wixiisa waxay ahayed iska-hadal aan inta badan wixii caqli iyo aqoon sharci leh aan ka gadmi-karin .. Been iyo huu-haa buu dadka ku asqeysiiyey

Fahad sheekadiisa waxaa soo xiray marku kiiski Gabadha Ikram Tahliil dusha u saaray beesha Habargidir iyo raga u tilmaamay aan la garan-karin meesha ay shirqoolkaa ka soo gali-karaan .. arintaa kiiska marku ku eedeyey Sadexdaas Masuul ayaa dadkii baraarugeen oo dib celyadi u liqeen .. fili-maayo in sheekadaan u sidi Qaadka la oran jiray Cawsle la muuseeyey ka dhigay in wixii garad toosan leh ay rumeysanayaan, aniga lafteyda kolka aan dib u eegay jawaabihiisa ma rumeysan, oo waxaan ku matalay Teen Ege-ka Sindheerta" Yaw-Yaw Maxaad Tiri" .. wuxuu hadalkiisi u ekaaday Nin weli naaski hooyadi jaqaya hadaaqaya oo iminka hadal baranaaya

Fahad ee labada kelyood kareen sidii Hal Geela 13 bilood sidey oo fool taagan, wuxuu ila muuqday nin riwaayad jilaya oo cantara-baqash shubaaya ka fog xaqiiqada jirta .. Dadka u tilmaamayo oo u leeyahay iyaga dilay waa kuwi u istaagay in Gabadha ay hesho cadaalad, waana adagtahay in la rumeysto in sadexaas masuul ay ku heshiyaan dilka gabadshaas, waxayna su'aasha meesha taal ay tahay maxaa masuullintaas sabab kasto jirta ku kalifaaya iney dhoocil aan miisaan ku lahayen bulshada ay ila heerkaas gawraceeda isku afgartaan

Fahad wax kasta u sheego arintu wey ku foorarta, waana ka xumahay ninka Shanta sano na haystay inu noocaas wax u higaad-naayo, waxaase igala naxdin badan ninka madaxweynaha ah ee intu maskaxda ka qabsaday hadana qol madow ku xiray .. Fahadow lagaa yeeli-maayo intaad xaar la arkaayo isku soo dhamooqdo, hadana nadif baan ahay cid la marsiin-karo baa iska yar .. Goor ay noqotaba inta garab taaganow way qarxi-doonta