Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Qisadi Asxaabul Fiil .. Waa Kuma Ninka Isku Dayey Inu Dumoyo Kacbada

Tuesday - June 14, 2022



Abraha oo ahaa nin Xabashi ah oo Yaman wakiil uga ahaa Boqorkii Xabashida ayaa markuu arkay sida Carabbi Kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaas ayuu magaalada Sanca ka dhisay Kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu Carab ka jeediyo XAJKII ay KACBADA  u xajin jireen.

Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer Bani Kinaana ah markaasuu Kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey.. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna go’aansaday inuu Kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaaraya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban Maroodi, Maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel Cabdi-mudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdi-mudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisii loo soo daayo, Abraha wuxuu yiri: "kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna Geel baad dooneysaa" .. Cabdi-mudhalib wuxuu ugu jawaabey: "Geela anigaa leh, Kacbadana ALLAH  ayaa leh isagaan kaa difaacanaya" wuxuu markaa Abraha yiri "haddii aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa" QUREYSHNA  sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdi-mudhalib.

Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa Maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii Kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa ILAAHAY markii dambe u soo diray Shimbiro mid walba waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood .. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo’ayey oo wuu dhimanayey!. 

Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intii RABBI u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya .. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey gur-yohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii Maroodiga (Caamul fiil).