Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Murugo Culus Oo Ka Dhacday Gaalkacyo .. Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen Waloore Oo Koox Daalimiin Ah Dilkiisa Ku Talax-tagtay

Thursday - June 16, 2022




Koox hubeysan qoris-maris ah ayaa caawa ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen Waloore, oo ka mid ahaa jilbo culus qabilo daba joogto miisaanka ku leh masraxa siyaasada ee degaanka Mudug- Gaalkacyo .. Nabadoonkaas waxaa la dilay xilli uu ka soo baxayay Masaajidka la yiraah al-Macmuur oo uu ku soo tukaday salaada Makhrib, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal meesha ka agdhawaa, waxay sheegeen in  Ragi dilay ay isla markiiba goobta ka baxsadeen

Nabadoonka ilaahay ha u naxariisto, horay ayaa Aabihiis oo isagana ahaa nabadoon ka soo jeeda beesha Tanade-Leelkase ayaa sidaas oo kale isagoo masaajid ka soo baxaya la toogtay .. inshaa alalhahu nimanka dilaalkaas geystay wey dhadhamin dhamac naareed.

Qofku si kastaba ha ku dhinte godka iyo xaabaashu geeridu waa xaq oo iyadu un baa aakhirka loo dareeraya .. Dhamaan eheladi iyo duriyadi u nabadoonkaas ka baxay waxaan Alle uga baryeynaa samir iyo iimaan iyo in marxuumka allaha dadyooga u garsoorka u si hagar la'aana janada ugu macsuumo iyado inti falkaa waxashnimada wax ka geysatana ilaahay ha cirib tiro oo ifka nolosha ha ku qurmiyo .. anagana allaha khaatumo wanaagsan nagu arsaaqo

Gaalkacyo ayaa dhowaanahan ku naaloonaysay amni iyo xasillooni, kaddib markii Hay’adda Amniga Puntland ay burburiyeen shabakaddo kamid ah Al-Shabaab, oo muddo 14 sano ah dilal qorsheysan ka waday magaalada. Dilka ayaana imaanaya xilli ay Puntland ku dhawaaqday dhowaan inay xoojinayso howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Gaalkacyo.