Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Fadlan Akhri Waa Xadiis Laga Wariyey Nabi Maxamed SCW .. Kalmadi Gefka Ahayed Ee Lagu Halaagay Adoonki Reer Banii Israaiil

Saturday - June 18, 2022




Abuu Daawuud ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri Nabiga (scw) waxaan ka maqlay: Labo Nin oo reer Banii Israa’iil ah ayaa walaalo ahaa .. midkood waa dambaabi jiray, kan kalena cibaadada ayuu ku dadaali jiray .. Kan cibaadada ku dadaala wuxuu arki jiray walaalkii oo dambi ku jira, wuxuuna ku oran jiray: ka joog ka joog waar ka joog. Markaas ayuu arkay maalin kale isaga oo dambi kale ku jiro, kadib ayuu Yiri "ka joog" markaas ayuu ku yiri "isu kaaya daa aniga iyo Rabbigay, ma ilaaliye ayaa la iiga kaa dhigay?

Walaalki kale ayaa hdal ku celiyey oo yiri "Wallaahi in aan Ilaahay kuu dhaafayn ama uusan jannada ku galinayn" Kadib labadi walaalo ajashoodii baa gashay oo Alle ayaa nafta ka qaaday, markaa bay ku kulmeen Alle agtiisa, markaas ayuu Alle (SWT) yiri "waa kuma kan igu dhaartay in aanan hebel dambigiisa u dhaafayn? waan u dhaafay hebel, adigana camalkaagii waan buriyay!! ma aniga ayaad i ogayd? mise waxa gacantayda ku jira ayaad awooddaa in aad diidid? Naarta hala geeyo! Kii dambiilaha ahaana wuxuu ku yiri "orod oo jannada ku gal naxariistayda"

Abuu Hureyra ayaa yiri: Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye wuxuu ku hadlay kalimad halaagtay adduunyadiisa iyo aakhiradiisa.