Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xayiraada Badeecadaha Ruushka Ee Si Mara Arlada Lithuania .. Madaxweyne Bir Is Mood Butin Oo Markaan Doonaaya Inu Dalka Lithuania Balaayo Dhadhansiiyo

Wednesday - June 22, 2022


Moscow- Maddaxa golaha ammaanka ee Ruushka ayaa ugu hanjabay Lithuania inay waajahayso cawaaqib halis ah, kaddib Talaadadii xanibaadaha ahayd ee lagu soo rogay gaadiidka tareenada ee qaada alaabta Midawga Yurub ( EU-da) ee Ruushku u diro dalalkaa.

Xayiraadda Tareenada Badeecaddaha sida ee mara Lithuania, ayaa sii mara gobolka Kaliningrad, oo ah gobol xuduud la leh Lithuania iyo Poland, balse Ruushka ayaa arrintaa si weyn uga carooday, wuxuuna ku hanjabay in ay tallaabo dhalin-karta cawaaqib halis ah ay qaadayaan.

"Ruushku hubaal wuu ka jawaabi-doonaa ficilladan cadaw-tinimada leh," sidaa waxa yiri, Nikolai Patrushev ka hadlayay shir lagaga hadlayay arrimaha amniga oo ka dhacay Kaliningrad. Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabooyin ku habboon ay ku jiraan shaqooyinka, isla markaana laga qaadi doono mustaqbalka dhow ee Lithuania.

“Cawaaqibka ayaa saameyn xun ku yeelan doona dadka Lithuania,” ayuu ku yiri, sida ay soo weriyeen wakaaladdaha wararka Ruushka.

Lithuania ayaa dhankeeda sheegtay inay raacayso keliya cuna-qabataynta Midowga Yurub ee duulaanka Moscow ee Ukraine, waxay sabab uga dhigatay tallaabada ay qaaday arrintaa.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa u yeertay safiirka Midowga Yurub u fadhiya caasimadda Ruushka ee Moscow, Markus Ederer, sababo la xiriira xiyiraada ka dhanka ah gaadiidka xamuulka ee Ruushka ee isaga kala goosha Kaliningrad iyo dhul weynaha Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa hoos u dhigtay boqolkiiba 40, sahayda gaaska ee ay siiso dalka Germany, kaas oo ah ka xagga Dhaqaalaha ugu Weyn Yurub.

Gobolka Kaliningrad waa gobolka dhanka galbeed ugu xigga Ruushka, oo ku yaal Badda Baltic, xaruntiisuna tahay Ruushka Baltic Fleet waana istiraatiiji ahmiyad weyn u leh mandaqada, balse wax xuduud ah lama laha Ruushka, sidaa darteed waa gobol ka go’doonsan dhulweynaha Ruushka.

Dhulka galbeedka Kaliningrad waxa lagala wareegay Jarmalka kaddib dagaalkii labaad ee aduunka 1945 waxaana xuduud la leh dalalka xubnaha ka ah EU iyo NATO ee Lithuania iyo Poland.