Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Guurku Waa God Gacanta Loo Ritay .. Oday Dhaqameed Cashar U Gudbiyey Wiilkiisa Oo Guur-doon Ah Una Sheegay In Haweenku U Kala Baxaan Todoba Nooc .. Akhristow Tee Baa Taadi Ah

Saturday - June 25, 2022




Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay, ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.

Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa: Maandhow inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso oo ogow in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc .. maandhow Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan:

(1) IL-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar, alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub .. Waa tan ku tiraahda Ninka qaba: "Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur" Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.

(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda: Waan maqlay in aad Naag kale la socoto Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo iyo Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto iyo wax la mida .. Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan"Ma-hubsato meher-laay"!! Waxay dhegta u raaricisaa "ku-tiri ku-teenta Xaawalayda" iyo waxa loo yaqaan "Warka Shaashka". Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda, xilli uu isaguna kaba fog-yahay, Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.

(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaadaa Gogosha iyo xilliyada nasashada, dabadeedna waxay ku furtaa dood, dacwad iyo dalabaad aan dhamaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.

(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay, Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday .. Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.

(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy, waaba tiris, oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo Maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay Aroos, Nikaax, Dhaloow, Furoow, Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday, madax-shub(abaay-abaay) iyo wixii la mida

(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay). Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo, dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.

(7) Garaad-dheer:-Waa "Marwo-dumar". Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun, laakinse waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq ,Xishood, Af-gaabni, Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iyo wixi la mida. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay, waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah .. Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda: gacaliye, macaane (macow), walaal, ina-adeer iyo wax la mida oo ka kal iyo laab ah, dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.

Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta loo ritay”.