Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Xilka Kay U Dhiibteen Intu Ceelka Ka Dhaansaday ILLa Dolarki Ay Ka Dhargeen .. Hogaanki Baarlamaanka Soo Goostay Xarigi .. Wasiir Bayle Wuxuu Ku Dhacay Bohol

Tuesday - June 28, 2022




Wasiirka Maaliyadda ayaa Wajahaya su’aalo adag oo kaga imaanaya xildhibaaanada labada aqal ee leh fadhiga wadajir ah .. Meelaha sida gaarka ah wasiirka loogu haysto waxaa ka mid ah, ansixin la’aanta miisaaniyadda 4sano ee la soo dhaafay.

Lacag dayn ah oo dhan 193 Milyan oo laga soo daynsaday IMF oo aan la soo marsiin golaha sharing dejinta .. Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in marna miisaaniyad aan la keenin aqalka sare.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in miisaaniyad aan laga ansixin golaha laga soo bilaabo2018 ilaa 2021.

Wasiir Beyle 193 Milyan oo deyn dulsaar leh ayaa lagu heystaa oo aan Baarlamaanka la keenin 2020-2021 iyo in aanu codsan Xisaab xirka 4-tii sano ee ugu dambeysay!

Beyle wuxuu eedda ugu badan ujeedinayay Guddoonkii hore Golaha Shacabka oo ka qaban jiray xisaab xirka Miisaaniyadda, balse aanay Baarlamaanka u soo gudbin jirin. Mursal iyo Muudeey hoos hoosey ku wadeen howsha dhan!