Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Sir Fakatay .. Safarka Xasan Shiikh Ee Turkiga Oo Lala Xariirinaayo Dacwad Lid Ku Ah Fahad Yaasiin Oo Jooga Istanbuul

Saturday - July 2, 2022





Warar xog ogaal aan ka soo xiganay siyaasiyiin ka ag dhaw Villa Somaliya ayaa ku waramay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud lagu wadaa inuu todobaadkan u socdaalo dalka Turkiga, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan .. Waana booqashadii labaad ee uu dalka uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii la doortay 15-May.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa oo qaadan doonta maalmo kooban, kulan la qaadan doona Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan Iskaashiga labada dal, gaar ahaan Amniga iyo Ganacsiga, waxaase warka la raaciyey in masuuliinta amniga dalkaas u Xasan kala hadli-doono Mucaarad Fahad Yaasiin oo halkaas sida la sheegay ka wada qorsho lagu majaxaabinaayo dawlada Xasan Shiikh isagoo adeegsanaaya shakhsiyaad xiriir dhaw la leh al-shabaab, sido kale Fahad waxaa lagu eedeynaya inu malaayiin lacag laaluush u siiyey warbaahiinta qaarkeed taaso aan ahayen xoolo u shaqeystay ee ah tii u kala soo baxsaday ummada somaliya ee markasta dilka iyo qaraxyada lala dul taaganyahay ujeedkuna yahay si ay tafaraaruq iyo dacaayad ugu furaan maamulka dawlada, isla markaana khalkhal cabsi la galiyo bulshada iyo si dadka loo gashado Afkaaro liita oo salka ku haya been abuur ..

Lama oga dawlada Turkiga iney fahad tarxiili-doonto iyo in kale laakiin sida la xusay waa la hubaa iney u yeeri-doonto oo su'aalo eedeynta laga soo ogay wax laga weydiin-doono