Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dawladda Jibuuti Oo Kordhisay Tacriifada Dakadeeda Iyo Itoobiya Oo Ka Keentay Gocosho

Sunday - July 20, 2008

Addis Ababa :Dowladda Itoobiya ayaa walaac weyn ka muujisay tacriifadda adeegga Dekedda Jabuuti oo maamulka dekeddaasi ku dhawaaqday in la kordhinayo. Waxayna bilowday Itoobiya dhaqdhaqaaq ay kaga hortegayso dhaqangelinta tacriifadda la kordhiyey.

Wargeyska Addis Fortune oo ka soo baxa Addis Ababa, ayaa ku tilmaamay falcelinta Itoobiya ka bixisay goÂ’aanka kordhinta tacriifadda Dekedda mid degdeg ah, taas oo uu sheegay inay muujinayso heerka xaraaradda arrintu ka gaarsiisan tahay Itoobiya. Isla markaana Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Itoobiya Mr.Girma Birru ayaa booqasho ku tegey Jabuuti toddobaadkii hore, si uu ugu qalqaaliyo masuuliyiinta Jabuuti inay dib uga fiirsadaan sargooyada tacriifadda la kordhiyey oo ay dhowaan ku dhawaaqday shirkadda maamusha Dekedda Jabuuti ee DP World. Waxana uu halkaa u hoydey habeen, isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.