Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 23 September 2017

Taariikhda Aan Barano Geeridi Cabqarigi Weynaa Ee Ustad Sayid M. Cabdille Xasan Iyo Sidii Xabaashii Looga Saaray

Sunday - November 27, 2016



Sayidka iyo koox Daraawiish ah oo la socotay waxa ay u qaxeen dhinacaa iyo dhulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Iimey. Waxa ay gaareen webiga Shabeelle meel waqooyi kaga beegan. Ka dib Sayidka ayaa la kulmay saddex nin oo deegaankaasi ah, waxaanu ku yiri: nin wuxuu ka doonay walaashii, nin wuxuu siiyey gabar, halka nin kalena uu gabar ka doonay.
Wakhtigaasi waxa qiimo weyn lahayd xididnimada, ka dib wuxuu ku yiri: gaalaa na wadda oo magan baanu idiin nahay. Dhawr doonyood ayey u keeneen, waxa ay yiraaheen dhinaca kale u soo tallaaba, markaasay u gudbeen dhinicii kale. iimey waa buur aan weynayn oo giraangirsan oo webiga dhinaca ku haysa, dhinaca kalena waa dhagax aan la fuuli karin.
Aroortii  dambe ayey Sayidkii iyo afar nin fuuleen Buurtii, Sayidka miisaankiisa oo cuslaa awgeed buurtii ayaa ku adkaatay fuulistii, waxaana taageeray Abshir Dhoorre iyo Cisamaan Boos. Sidaasi ayey iimey ku degeen, waxa aanay ka dhisteen laba daarood, waana meeshii ugu dambaysay ee ay qalcad ka dhistaan.

Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana deegaan qabiilka Caruuso. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yiri Raggii la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeertay laba hablood oo ay walaalo ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii la gaaray ayuu u yeeray Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku yiri: Galabta culays baa i saaran ee Daraawiishta kala maamul, gaar ahaan adiga.

 Markii la gaaray makhribkii ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yiri iska taga oo Abashir Dhoorre ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu hubsaday inuu meyd yahay, ayuu maro saaray, ka dib laba nin oo gaar ahaa ku yiri: yaan aqalka cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeeray dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka geerida si aanu u maqal Ingiriisku. Waxa la bilaabay xabaashii, waxaana laga qoday qalcad markii hore la dhisaayey oo markaa qorisaar joogta dhexdeeda ayey qabri ka jeexeen, in kastoo meeshu dhagax lahayd.

Markii nin jooggii ay arooriyeen ayay hoos qabrigii ka soo dhiseen, halkaasina ayey ku aaseen, ka dib waxa ay ka dul-dhiseen kuus hal dhudhin le’eeg. Markaasay daartii ka baxeen oo dusha ka malaaseen, balse Sir Geofery Archer oo ahaa nin jebiyey Daraawiishta wuxuu sheegay inuu Sayidku geeriyooday 23/11/1921, isaga oo lix cisho xannuunsaayey, wixii Daraawiish raacdayna uu laayey daacuun iyo xannuuno durey loo maleeyey.
Ummadii iyo Daraawiishtii joogtay goobtii Sayidku ku dhintay waxa ay u qaybsameen laba qaybood. Wixii reer Sheekh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hari karini waxa ay tageen gurigii reer Daari oo ka tirsanaa qoomiyada Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa bari iyo Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay.

Arintu si kastaba ha noqote laba jeer ayuu Ingiriisku isku dayey inuu lafihii Sayidka qaato:

Iyadoo afar sanno laga joogo burburkii Daraawiisht, ayuu ninkii la odhan Archer ee Sayidka Jebiyey Hargaysa ka diray safar ujeeddadiisu qarsoonayd, si meydkii Sayidka looga saaro qabriga lagu aasay, laakiin Itoobiya oo qabriga Sayidku ku yaalay waa laga qariyey in meydka la soo saarayo.
Safarkii Hargaysa ka baxay, waxa ay u jeesteen dhinacaa iyo iimey, habeenkii waxa ay u dhaxeen meel Dhagax-buur u dhow oo la yiraa Higlaaley. Iyagoo safarkii halkaasi degan ayey la kulmeen arrintan:
Nin reer Dhagax-buur ahaa ayaa nin kale ku diley goobtan safarku ku dhaxay, ka dib ciidan Xabashi ahaa ayaa habeenkii guureeyey, iyaga oo doonaayey inay ninkii dilka geystay soo qabtaan, ka dib wuxuu ciidankii Xabashidu ku soo baxay safarkii oo meesha degan, markaasaa xabbad ay isku rideen. Halkaasina waxa ku fashilmay hawshii soo qaadista lafihii Sayidka.

Xaaji Isaaq Daari oo ahaa Boqorkii qabiilka Caruusa oo Sayidku magangalay ayaa sheegay in Ingiriisku mar kale isku dayey inuu soo faqo xabaashii Sayidka, waxaanu Ingiriisku weydiistay Xayle-salaase ogolaasho hawshaasi lagu fuliyo. Ka dib waxa la diray sarkaal Ingiriis ah, waxaanu u tegay Xayle-salaase, ka dibna wuxuu weydiistay in loo darbo gaadiid xoolaad (daabbad), loona fududeeyo siday Iimey ku tegi lahaayeen, dabadeedna markii Awr iyo Buquul iyo Askari loo darbay, laba meelood bay iska dhigeen, mid welibana nin Ingiriis ah ayaa watay. Adari ayey ka dhaqaaqeen, siday u sii socdeen ayey habeenkii meel degeen, xoolana ku qasheen, ka dib Waraabe ayaa soo raacay raqdii, markaasuu nin Askari ahi sasay oo xabbad riday, isaga oo mooday in la soo weeraray. Halkii ayey hawshii ku joogsatay, isagoo Ingiriisku u qaatay in Xayle-salaase shirqool u dhigay. Xaaji Isaaq Daari wuxuu sheegay inay maqleen warka ah in Ingiriisku doonayo inuu la soo baxo lafihii Sayidka, markaasuu u diray Xaaji Axmed Cabdille Xasan iyo Sh. Xasan Sh. Cabdille, waxaanay kaxaysteen rag iyo Awr markaasay lafihii ka saareen qabrigii oo meel kale ku aaseen.

Xigasho Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005


hits Hits : 2460