Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Shiikh Shariif " Tororogta Iyo Ashtakada Kooxda Asmara Gar Ma Aha Ee Waa Dacfaruurid "

Wednesday - July 23, 2008

Jabuuti : Shiikh Shariif oo iminka ku sugan magaladda Jabuuti ayaa jawaab kulul ka baxshay wararka ka soo yeeraya kooxda Asmara oo sheeganaeysa in la doortay hogaan cusub oo lagu badalay labada shariif ee madaxda u ah isbahaysiga dib u xoreynta.   

Shiikh Shariif Sh. Axmed waxaa uu sheegay in xubnaha ku sugan Asmara aysan awood u lahayn iney ciidna xilka ka qaadaan oo maba haystaan tiro sharci ah oo ku filan ayu yiri shariifka, wuxuuna sheegay inu ka hufan yahay qaladka iyo danbiga ay kooxdaas tilmaameen ee ku muteysan karo xil ka qaadis.