Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waxaa La Cadeeyey Biologically Iyo Taariikh Ahaan In Haweenku Ka Karti Badan-yihiin Kana Adkeysan Badan Yihiin Kana Samir Badan-yihiin Raga

Friday - June 3, 2016



Faalo: Waxa La Cadeeyey Biologically/ taariikh ahaan in Haweenku ka karti badan yihiin, kana adkaysan badan yihiin, kana samir badan yihiin Raga, oo Hogaamiye kasta oo dunidan soo maray, waxa ka danbeysey qof  Dumar ah oo Indhihiisa wareejisa.
 
Haddii aan soo qaadano dumarka somalida, ggaar ahaan dhinaca miyiga tusale ahaan Aqalka Somaliga waxa sameeya oo dhisa Dumarka. hawl badan oo culus ayaa Dumarka ku dhacda aan Raga ku dhicin. xoolaha iyaga ka soo saara Subaga iyo Caanaha, iyaga qala oo haraga ka bixiya oo hadana karinya.
 
Weelka dhaqanka wax lagu shubto ama lagu kaydiyo iyaga far sameeya, oo nashqadeeya. sida Haamaha iyo Ubooyinka, Harubada, Dhiisha iyo Qarbadka biyaha.waxa inta u sii dheer Raacida xoolaha iyo xerada Ariga nadiifin-teda, iyo Cunto karinta reerka iyo daryeelka Ubadka.
 
Magaalooyinka Dumarka ku noolyihiin, hawsha ugu weyni iyagay ku dhacda oo iyaga raga uga tacab badan daryeelka qoyska.waxaad arkaysa Dumarkii oo haya hawlo kala duwan boqolkii 90%.oo banaanka ka soo shaqeeyey, waxaad arki dumar dambiil Jaad ah meel la fadhiya, mid laaws iyo cusbo la fadhida,mid Hilib iyo luqmad ootkaca iibinaysa mid shaah iibinaysa mid cunto iibinaysa. iyo mid dhar iibineysa, waxaad arki mid lacagta sarifeysa, mid boyasad- khaadimad ah . dumarkaasoo dhan waxaa u dheer hawshi Guriga sugeysa. Dhinaca kale ddumarka wax bartay way badan yihiin, lamana soo kobi karo magacyaddooda iyo wax qabadkoda.
Dardaaran:
Ninka qiimah leh waa ninka ixtirama Haweenka,waayo wuxuu ogyahay hadii la ixtirami waayo Hooyadii ama walashii ama Xaaskiisa sidu uga xumanayo.