Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 26 July 2017

Taariikhdi Duco-qabihi Cabdullaahi Binu Cabaas Oo Aqoonta Tafsiirka Iyo Macnaha Qur'aanka Kala Dhig- Dhigay

Tuesday - June 7, 2016



Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.

Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka.
Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin