Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Hambalyo Is Wada Dhaaftay .. Ahlu Suna Wal-Jamaaca Ee Diinta Iyo Dariiqada Daadihiya Ee Goobolka Mudug Oo Hambalyo U Soo Dirtay Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed

Friday - July 8, 2016



Waxaa Shalay Shabakadaan galdogob Times La Soo Xariiray Af-hayeenka Culimada Culus Ahlu Sunaha Wal-Jamaaca al-Shiikh Horseede Cilmi Maxamed Faarax Ibraahim( Sarsar) oo Xaruntoodu Tahay Degaanka Heema Iyo Gaalkacyo, waxayna dhambaal-kooda ku suntanaa ereyo ku xardhan hadalo sareya iyo wanaag kuna qotoma taageero iyo hambalyada loo diraayo Ugaas Maxmuud Ugaas Axmed ee dhawaanta bulshada Tanada-Daarood ku xulatay xarunta degmada Galdogob.

Af-hayeenka oo marka hore xusay ilaaha Mahada iyo Maamuuskaba iska leh, isla markaana xusay Saaxiibkii aan jecleyn, xumaanta ka nasahnaa Maxamed scw iyo cashiiradi nabiga iyo cabdulaahigi dhalay, ayaa dhambaalkiisi ku soo qaaday in talo la wada ruugay ay ku taageereen Ugaaska Tanad Daarood Al-Sayid Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed ee la boqray, waxayna halkaas hambalyada ka sakow ka soo direen duco lagu hurgufay laguna wardiyey: Bisinka ilaahay Baan Ku Bilaabeynaa .. Awliyooy Wanaagaa, iblisoow Xumantaa ..  inu Balo iyo Basba ilaah Ka Hayo .. Cisi iyo Cudur La'aan Seexdo .. Alle Ka Dhigo Xidiga Cirka Sare Ah iyo eegmadiisa libaax .. Rumeynay Rabo ku Rumeynay Ee Sharftaad Nagu Beertay Iyo Islaanimo Nagu Wada Shakaal .. Aamin Aamin



hits Hits : 3644