Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Raiisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Hadiyad Ku Diiday George Bush Iyo Meles Zenawi

Tuesday - July 29, 2008

London: Jariiradda Daily Telegraph oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa cadadkeedii soo baxay, 23-kii July 2008-da, waxa uu qoray in raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Golden Brown uu diiday aqbalista hadyad uga timid raysal wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi.

Sida ay jariiraddu qortay Raysal wasaare Zinawi ayaa dhowaan hadyad ah gobol yar oo macdan ah u diray dhiggiisa dalka Ingiriiska, laakiin Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Golden Brown ayaa gebi ahaanba diiday in uu aqbalo hadyaddaas macdanta taariikhiga ah, isaga oo ku sababeeyey diidmadiisa in aanu sharciga dalkiisu u ogolayn qaadashada hadyadaha inta uu hayo xilka raysal wasaarenimo.