Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Mr.Nuur Cade Maantu Sidii Aar Libaax Ooda Soo Jabsaday Oo Ku Dhagay M. Dheere, Laakiin....

Tuesday - July 29, 2008

Mogadisho: Gulufka -colaadeed iyo bootada isu goodinta labada masuull ee Nuur Cadde iyo Maxmed Dheere ma ahaa waqtiyadaan dhaw wax bilaawday ee sida aan weebkaan ugu xusnay horaanti maalmihii loo magacaabay Nuur Cade Raiisal Wasaarnimada ayey soo taxneyd iyadoo colaadu hadba heer soo gaareysey.

Sida aan xogta ku hayno maalmihii u kursiga shaqada bilaabay Mr. Nuur Cade waxuu u yeeray Maxamed Dheere iyo Generaal Cabdi Qaybdiid, waxuuna u sharxay wada shaqenta laga rabo iyo iney markasta ka faqaan hawlaha xasaasiyaadka noqonkara oo la xariira nabadgalyada, waxuuna ku booriyey in 24tii saacba ay u keenaan warbixin qoraalo qeexaya hawlaha ay qabtaan oo la xariira hawlgaladooda iyo maamulka ay fulinayaan.