Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Eeg Qacda Sawirka: Gorgorkii Ugaas Maxamuud Ugaas Oo Si Haybad Boqornimo Uga Qayb Galay Calema Saarki Ugaaska Beesha Xawaadle

Monday - July 25, 2016



Baladweyne- Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , ka dhacday munaasabad xaflad balaaran oo si weyn oo balaaran loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqmeed, Qurbo joog, Dhalinyaro Haween iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay caleemo saarka Ugaaska.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee maanta si rasmi ah loo caleemo saaray Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa noqonaya Ugaaska 20aad ee Saldanada reer Ugaas ee Beesha Xawaadle.

Munaasabada Caleemo saarka oo aheed mid si heer sareeya loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Garoonka kubada cagta lagu ciyaaro oo ku yaala magaalada Baladweyne, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay ciyaaro Hiddaha iyo dhaqanka.

Dhinaca kale beesha Tanade daarood oo iyadana calema-saarkaas laga marti qaaday, waxa si sharaf iyo muunad leh uga soo qayb galay ergo baaxad weyn leh oo isugu jira gobti hogaanka guurtada, salaadiinti, dhallinyaro iyo wax-garadki Tolka, waxaana wafdigaas hor-kacayey ileyskana siinaayey Al- Sayid Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed, oo illa labaataneyo baabur ku dhawaad uga baxday degaanka Galdogob,waxaa marka ay halkaass iyo Baladweyne cagta dhigteen, waxaa halkaas si walaalnimo ah ugu soo dhaweeyey qolooyinkii baratakoolka calemo saarka abaabuleysay, kadibna waxaa booqasho xarago leh xaruntiisa loogu geeyey Ugaas Xasan Ugaas Khalif, oo ku soo dhaweeyey gacmo furan, salaan gaara iyo hadalo sokeeye ay ka mid yihiin in gacal iyo tol la wada yahay, isla markaana gogol gobanimo u taal, ayna joogaan dhulkoodi oo aysan iyago marti sida dadka kale ahayn .. Ugaas Mxamuud oo mahad gaara ka celiyey soo dhaweynti loo qabtay isaga iyo wafdigiisi ayaa isna ka jawaab celiyey oo yiri: waxaan nahay dad ehel wadaaga oo haddana isku dan ah. 

hits Hits : 3664