Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Xikmad Aad U Qiimo Badan Oo Laga Xigtay Shiikhi Weynaa Shiikh Mohamed Metwali Shacraawi

Tuesday - July 26, 2016

Xikmado ka mid ah xikmadaha laga Soo Guuriyay Shiikhi Weynaa Shiikh Mohamed Metawali Shacraawi, waxaa ka mid ahaa:-

1- Haddii Aadan Awoodin Hadal Xaqa ah, Ha u Sacaba Tumin Baadilka (Xumaanta Iyo Gardarada).

2- Haddii Aadan Helin Ruux Laabta Xumaan iyo Xiqdi Kugu Haya, Ogoow inaad Tahay Ruux Fashilmay.

3- Ruuxna Xukmin Maayo Boqortooyada Alle, ilaa Eebe Doonistiisa Mooyee.

4- Ha u Caabudin Eebe inuu wax ku siiyo, ee u Caabud inuu kaa Raali noqdo, Haddii uu kaa Raali Noqdana Waxaad Si Durdur ah U Heleysaa Siismadiisa.

5- Haddii Aad Ku Aragtid Ruux Faqiir ah Wadamada Muslimiinta Dhexdooda, Ogoow in Mid Hantiile Ah Uu Xaday Ninkaa Maalkiisa.

6- Ma Wal-walo Ruuxa leh Aabe, Sidee buu u Wal-wali Ruuxa leh Rabbi.

7- Haka Wal-walin Waxyaabaha ay Basharka kuu Maleegayaan, Haddii ay Fogaadaan waxay Fulinayaan Amarka Eebe.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW XAQA NA WAAFAJI).

hits Hits : 56591