Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Madaxweyne Cabdulahi Oo ka Codsaday Nuur Cade In Sheekada M. Dheere Sharci Lagu Saleeyo

Thursday - July 31, 2008

Mogadisho: Xilka qaadistii uu raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ku sameeyey Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa la sheegay in laga diiday Xaafiiska Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Warar hoose oo tibaaxaya lagana soo xigtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu Raysalwasaaraha Soomaaliya usoo gudbiyey Xaafiiska Madaxweyne Yuusuf warqada xilka qaadista Maxamed Dheerre, balse Madaxweyne Yuusuf ka gaabsaday in uu saxiixo.