Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Maanta Oo Jimco Ah Iyo baraarujinta " Sifeynta Afkaarta Ummadda"

Thursday - July 31, 2008

Qormadaan waxaa aan ku soo qaadanaynaa tawjiihaadka Allaah ee ku aadan sifaynta afkaarta xagga caqiidada iyo iimaanka iyo tusaalooyinka Qur`aaniga ah ee tusinaya ku xirnaanshaha iyo ka amar qaadashada Allaah qiimaha ay u leedahay insaanka.

Hadaba waxaa ay cidkasta oo Allaah ku manadaystay in ay Allaah Rabinimo u qirto Islaamkana diin toosan Nabi Muxamadna Nabinimo iyo Risaaladii u dambaysay in Allaah u soo dhiibay, qofkaasi waxaa ay garanaysaa in Allaah uusan ciyaar ciyaar u abuurin insaanka waayoo waxaa cadeeyay taa Qawlaka Eebe:

أفحسبتم أنما خلقناكم عبثا وأنكم إلينا لا ترجعون، 115سورة المؤمنو               

"Ma waxaad u malayseen in aan idiin abuuray ciyaar oo aan idinka xagayaga la idiin soo celinayn"