Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Madaxweyne Faroole Oo Uu Muuqday Badhiwale "Office Boy" Markay Shaqeyn-Weydey Wareegtadiisi

Monday - March 29, 2010

Dhowrkii Bari ee lasoo dhaafay ayaa Magaallada Boosaaso laga dareemayey khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Taliyaha Ciidamada PIS ee Puntland Gen: Cismaan C/laahi (Cismaan Diyaano)
 
Khilaafkan ayaa yimid kadib Markii Madaxweyne Faroole wareegto uu ka soo Saaray Xafiiskiisa Garoowe ay Socon wayday,taasi oo uu ku Muujiyey Xilka qaadis uu sheegey inuu ku sameeyey Cismaan Diyaano; Balse la sheegey warqadaasi Xilka qaadista ah inaysan Dhaafin Xafiiskii ay ka  soo baxday.
 
Madaxweyne Faroole oo ay Galbinayeen Ciidamo oo uu badan kuwa ay isku Hayb yihiin ayaa soo gaaray Dhowr Bari ka hor Magaallada Boosaaso isagoo u soo xayd Xaytay ka dhabaynta Hadalka ka soo Baxay Xafiiskiisa oo ah inuu Xilka qaadis ku sameeyey Hay'adda PIS' Inkastoo uu Dadaal badan u sameeyey Faroole Hadana waxaa wax kama jiraan ku Tilmaamay Hadalkiisa General Cismaan Diyaano oo sheegey inuusanba Ka amar qaadan, islamarkaasina uusan Xilka qaadis ku sameyn karin. 
 
Madaxweyne Faroole oo aad uga Xumaaday Wareegtada uu soo saaray oo dhaqan gali wayday Ayaa Habeynadaan wuxuu kulamo la lahaa Beelaha ku dhaqan Gobolka gaar ahaan beesha u ka soo jeedo Cismaan Diyaano ee Cismaan Maxamuud Isagoo ka dalbaday Ciidamo iyo Tageero inay siyaan si uu weerar ugu qaado Xarumaha uu ka taliyo Cisman Diyaano, Balse waxaa Arintaasi Nasiib Daro ku tilmaamay Beelihii uu gacanta waydiistay oo ugu Jawaabay Hadii ay Cid Tageerayaan Inay Tageeradooda siinayaan Cismaan (Diyaano) .

Madaxweyne Faroole ayaa isbadalka uu kala kulmay Gobolka Bari gaar ahaan Magaallada Boosaaso waxay ku noqotay Nayad jab uu san Filayn taasi oo sababtay inuu uu duulo dalka itoobiya halkaas oo uu doonayo in arimaha xafiiskaas u kala xaajoodo CID-da mareykanka ay ku leedahay Adis ababa ... sida la ogyahayna xafiiskaas waxaa hawlgaladiis iyo kharajkiisa si toosa u bixiya hay'adaas sirdoonka mareykanka oo kula dagaalanta waxa ay ku sheegto argagixisada, laakiin magacabida taliyaha xafiiskaas waxaa markasta awood u leh madaxweynaha Puntland.