Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ahlu-Suna Wal-Jamaaca Oo Saluugtay Habowga Shariifka Kuna Baaqday Inu Is-Casilo

Tuesday - March 30, 2010

Dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunnah wal jameeca ayaa dowladda kmg ee Somaliya ugu baaqay inay iscasisho, maadaama aysan waxba ka qaban karin xaaladda cakiran ee ka taagan Wadanka Soomaaliya.

Sheekh C/qaadir Soomoow iyo xubno kaloo fara-badan oo maanta fadhi balaaran iskugu yimid ayaa dowladda ku eedeeyay inaysan waxba ka qaban guud ahaan xaaladda cakiran ee ka jirtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale culumadaan ayaa sheegtay inay aad u taageersan yihiin dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Shekh Axmed, balse loo-baahan yahay inay wax ka qabato xaaladda cakiran ee ka jirta dalka Soomaliya.

" Waxaan idin lee-yahay dhamaantiin ama Sheekh walboo inuu la-yimaado 20 dhalinyaro ah, si’ay ula dagaalamaan kooxaha kasoo horjeeda jiritaan Culumada Ahlu Sunnah" ayuu yiri Soomoow oo aad u qiireysnaa.

Kulankaan oo ay kasoo qeyb galeyn boqolaal shuyuukh ah oo ka tirsan culumada Ahlu Sunnah, ayaa dhamaantood waxaa ka muuqday shacuur culus oo ka dhan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Dhanka kale xarakada Al shabaab ayaa idaacadaha ka maqlay hadalka kasoo yeeray Ahlu Sunnah, inkastoo aysan wax jawaab ah ka bixin.

Waa markii ugu horeysay kulan noocaanoo kala ah oo ka dhan Xarakada Al shabaab lagu qabto magaaladda Muqdisho, xilli aysan Al shabaab wax jawaab ah ka soo saarin