Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Beelaha Degaanka Bacaadweyn Iyo Camaara Oo Isku Riixaya Brigaan Iyo Boobe Ololaya

Wednesday - March 31, 2010

Wararka iska soo daba dhacay ayaa tilmaamaya in dagaalo uu dhaxeeya maleeshiya beeleed iska soo horjeeda ayaa maanta mar kale dib uga qarxay degaanka Bacaadweyn ee gobolka mudug, halkaas oo labada dhinac ay dhawr jeer horay u dagaalameen.

Dagaalkaas oo ka dhacay Baraagta Ciise oo ku dhaw degaanka Bacadweyn ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyoodeen in ka badan 20 qofood oo dhinacyada halkaas ku dagaaalamay degaanka Bacadweyn.

Iska horimaadkaas oo socday in ka badan 4 saacadood ayaa la sheegay in markii dambe si iskiisa ah u joogsaday, inkasto la soo sheegay labada dhinacba ay ka socdaan abaabul dagaal oo laysku diyaarinaayo rogaal celin.

Wararka laga helayo degaanka Bacaadweyn ayaa sheegaya in khasaaraha ku dhashay u intaas ka badankaro ma daama dagaalku u ahaa mid waqti badan socday isla markaana maleshiyaadkaas ay gacmaha iskula tageen

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degaanada Bacaadweyn iyo Camaara ayaa u muuqda kuwa aan u dhug nugleyn baaqyada ay uu jeedinayaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo maamulada ka jira halkaas.

Si kastaba ha ahaate waxaa guuldareystay dadaalo ay wadeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha dagaalamaya si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya halkaas