Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dhiig Laga Soo Miiro Khaansiirka Oo Lagu Cajiimo Sigaarada Ugu Caansan Caalamka

Wednesday - March 31, 2010

Dhawaan Baaris Cilmiyeed ayaa daboolka ka qaaday in dhacaamo laga soo miiro dhiiga khaansiirka lagu cajiimo marka la sameynaayo sigaarka la cabo,

Professor Simon Chapman oo wax ka dhiga Jaamacada Sydney Australiya ayaa baaristiisi ka dib dhiniciisa ku raacay daraasad horay looga sameeyey dalka Holand oo si buuxda uu cadeeysay in dhiig laga miiro khaansiirka lagu warshadeeyo Sigaarka la cabo, waxaana dhiigaas sida ay baaristu xustay lagu sameeya in ka badan 158 kala nooc Sigaar oo caalamka ka caan ah.

Sida daraasadu qoraalkeedu cadeysay, in maadada lagu magacaabo  "Blood Sells Hemoglobin" oo Protinka laga helo loogu isticmaalo warshadeynta Sigaarka, iyadoo markeedi horeba laga soo qaado dhiiga Khaansiirka, waxayna si xoogan loogu dara filtarka sigaarka.