Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U caan Baxay Al-digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - April 1, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Fasax Gaaban Galay Awgeed Waxaa Maanta Casharka Halkiisi Ka Soo Gudbindoona Xuseen Sulub Jaamac - Finland.

Ujeeddo Casharka Maanta:  HURDADA OO AAD KA TOOSTO SALAADA SUBAX WAXA AY YARAYSAA CUDURADA KU DHACA QALBIGA IYO XIDIDADA OO IS XIRA

Waxa ay cadeeyee khubaro Dhakhaatiirta Qalbiga ah oo ka tirsan Jaamacad Urdun gudashada Salaada subax Waqtigeeda oo go’an maalin kasta in ay tahay Dariiqo HURDADA OO AAD KA TOOSTO SALAADA SUBAX WAXA AY YARAYSAA CUDURADA KU DHACA QALBIGA IYO XIDIDADA OO IS XIRA.

Wanaagsan oo u Daawo ah Cudurada Qalbiga , xidhitaanka xidada Wadnaha hadaba baadhitaankaa la sameeyay waxa uu damaano qaaday in ay tahay natiijo fiican oo la ogaaday islamarkaana lagu fidiyayay Jaraa’idka,waxaa kaloo ay qirtay baadhitaan Caalami oo ay sameeyeen Culumada ku takhasustay Qalbiga in Cudurkan ku dhaca Xidida Qalbiga uu yahay ka ugu khatarsan ee saameeya Wareega dhiiga taas oo la ogaaday in sabab u tahay Hurdada dheer ama badan ee la Hurdo Habeenkii ama Maalintii si toos ah oo aan kala go laayn..

Waxa ay cadaysay baadhitaan kaa la sameeyay in Qofku hadii uu Hurdo, Hurdo dheer in ay yaraato Garaaca uu Wadnuhu samaynayo Wareega dhiiga kaas oo noqonaya 50 garaac Daqiiqadii waxa kaloo ay cadeeyeen marka ay yaraato Garaaca uu samaynayo Qalbigu ee Wareega Dhiiga in ay dhacdo in Dhiiga ay ku badato Subaga iyo Xididada oo yaraada ama daciifaan  kuwaas oo Aakhirka keena  xanuun iyo in Dhiigii si fiican u socon waayo Aakhirkana keena in ay isxidhaan xididadu. Hadaba baadhitaanku natiijadiisu waxa ay adkaysay  in muhiim tahay in layska ilaaliyo in la Hurdo Waqti dheer iyagoo baadhitaankaa ku sheegay in aanay fiicnayn in la hurdo dheer si toos ah in ka badan afar saacadood,taas oo ay yidhaahdeen waxaa fiican in marka la Hurdo afar Saac in Hurdada la kala jaro oo la sameeyo xarakaat muddo ah 15 Daqiiqadood ugu yaraan taas oo ay kaa buuxinayso in aad u kacdo Salaada Subax  Maalin walba Saacadaha hore ee Subixii waxaana muhiim ah in ay Salaadaas noqoto Jamaco islamarkaana ay noqoto Masaajidka,Waxa ay sheegtay Daraasadaa la sameeyay in Qofka muslimkaa ee Hurdadada ka kaca si uu u soo tukado Salaada Subax Jameeco  in uu qalbigiisu si fiican u shaqeeyo  taas oo sabab uga dhegeen xarakaadka uu sameyay iyo Huraddiisii oo noqotay mid dheeli tiran waayo hadii uu hurdi lahaa sideed saacadood muu wada hurdin markii uu Salaada ka kacay waxa uu hurday qiyaastii ilaa afar sacadood inta kale dib ayuu ka seexanayaa.

Waxa ay cadeeyeen Baadhayaal Americaan ah Milixda oo laga yareeyo Cuntadad in ay Badbaadiso Nolosha Kumayaal Dad ah Sandkii waxa ay Daraasadu Farta ku fiiqday in Dadka Marakanka ay istimaalaan Maalintii in ka yar sadex garam oo Milix ah taas oo keentay in Dad badan Caafimaadkoodii u badbaado,  qiyaas la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Nidaamka Caafimaadka ee maraykanka in ay kaga baxdo 10-24 Milyar oo doolar in ka badan Sanadkii,taas oo la sheegay in Celcelis ahaan Raga Marakanka ay isticmaalaan 10.4g oo Milix ah halka Dumarku ay ka isticmaalaan 7.3g Milix, taas oo ka badan inta lagu isticmaalo Dalka Garmalka  waxa ay farta ku fiiqday Daraasadu in Cuntada Diyaarka ah iyo Cuntada loo diyaariyo si dhakhso in ay Milixdu ku badan tahay waxa kale baadhitaanku sheegay in Cuntada ay ku badan tahay Milixdu in ay keento Dhiigkar iyo Wadan xanuun.Hadba Milixda oo loo isticmaalo si xad-dhaah ah waxa ay keenta khatar sababta kelya xanuun,Kansal  iyo lafaxanuun, waxay khubaradu farta ku fiiqeen in ay fiicantahay in la isticmaalo in ka yar 3.8 gram malintii ... BY: Hussein Sulub Jama -Finland