Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

++ Funjaan Coffee Espresso ++

Friday - April 2, 2010

"Koob Ama Funjaan Coffee ama Qaxowo Espresso" Waa News Aan ugu Tala Galnay Inu Naga Baxo Maalinta Sabtida Oo Aan Ku Soo Koobeyno Dhacdooyinka Shuushuuda iyo  Naa-naada Asbuucaas Ee Uu Baahan In Goobaha Qaxwaha Looga Hadlo Si Hufan Falaanqeyntiisa ... Ereyga Cinwaanka Weli Xul Ayaan Ku Hayna oo Sidaan Uu Qori Lahayn Meel Is-lama Aanu Dhigin Ee Raali Naga Ahaada Haddaad Aragtaan Cinwaanka Kaffeega Oo Hadba Asbuuc Si Uu Qoran ... Teeda Kale Akhristayaasha Wey Uu Furantahay Iney Noo Soo Diraan News-kaas Ka Hor Sabtida Waa Hadaad Haysaan Lana Akhrisankaro Oo Saaxibada Ku Qaxweyn-karaan Doodiisa.

Qof-walbana Waa Damiirkiisa Iyo Dadnimadiisa .. Ujeedada Waa Danaha Soomaaliyeed Iyo Doonis Nabadeed ... Ogow Mucaarad Ma Tihid Hadaad Xaqa Ku Maansooto ... Ku Soo Dir fikirkaaga E-mail-kaan; [email protected] -  Waxaan Ka Afeefaneynaa Hadal Xun Iyo istabceyntiisa ... Jawaabtu Hadal Xumi Ma Laha ... Ugu Dambeyn Ha Laydin Aqbalo Duco-san Baan Idin Soo Akhriyeye .. Salaama Ka Dheh.

                                      ------------------------------------------------------------------

Addis Ababa - Nairobi : Wararka ka soo baxaya dalka Kenya iyo Itoobiya ayaa aad uga deyriyey socdaalkii Shiikh Shariif uu ku gaaray dalalkaas oo sida la sheegay kala kulmay dayaafad-xumo, jac iyo hungo .. Wasiirka Arrimaha Debadda ee Federalka Itoobiya, Seyoum Mesfin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Seyoum ayaa Sheekh Shariif ka dhageystay warbixin dheer oo ku saabsan waxyaabihii uu qabsoomay Shariifka iyo waliba duullaanka ay qorshayneyso dowladdiisu in ay dhawaan ku qaado qaybo ka tirsan caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay ka taliso qiyaas dhan 2 kilometer.

Shiikh Shariif ayaa aad uga cawday dowladda Kenya oo dhawaan ku gacansayrtay codsi uu u jeediyey, kaas oo uu ku weydiistay sidii ay dowladda Kenya ugu gacan galin lahayd ciidan u dhashay gobollada Jubooyinka oo ay dowladda Kenya tababartay ... Sheekh Shariif ayaa ka codsaday Seyoum in ay dowladda Itoobiya arrintan soo faragaliso ma daama socdaalkiisi ugu dambeeyey ku guuldareystay inu masuullinta kiinya ka dhaadhciyo in askarta lagu tababaray Nairobi ay ka dagaal galaan caasimada Mogdisho oo inta badan ay haystaan kuwa ku adeegta Shaadirka Diinta ee al-shabaabka , taaso dawlada kiinya ku gacan sayrtay oo dabadeed shariifku uu arintaas ka diiqooday uuna keentay qalbi jab.

Shiikh Shariif imaanshihiisi Itoobiya iyo la kulnkiisi Seyoum Masfin waxuu isku dayey inu madaxda halkaas ay dhex-dhexaadin isaga iyo kiinya sameeyaan taaso suuragaliweyday oo nama khuseyso ayey yiraahdeen itoobiyaanku.

Dalka Kenya ayaa dhawaan lagu tababaray ciidan xooggan, kaas oo kal hore laga soo uruuriyey labada gobol ee Jubooyinka ... Siyaasiyiinta gobollada Jubooyinka oo uu horkacayo wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Soomaaliya, Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa aad uga horyimi qorshaha Shiikh Shariif ee ah in ciidankan la geeyo xarunta madaxtooyada si ay u illaaliyaan guriga Sheekh Shariif, waxaase la saadaalinaya in wasiir Gaandi uu ku bixi doono kala shaandeynta golaha wasiirada ee maalmahaan laga sharqaminaayey.

Sia la ogyahay siyaasiyiinta Jubooyinka ayaa qorshaynaya in ay ciidankan ka howl galo sidii ay Jubooyinka uga sifayn lahaayeen kooxaha ku dhuunta diinta, Siiba Al-shabaab isla markaana halkaas ay uga dhisi-lahaayeen maamul u adeega shacabka Jubooyinka, kuwaas in dhawaanaba aan helin nidaam-dowli ah tan iyo markii ay burburtay dowladii uu hogaaminaayey Siyaad Bare.

Wararka laga xiganayo siyaasiyiinta Dowladda Itoobiya ayaa qabta in aanay jirin waxbadan oo Muqdisho laga qaban karo, maadaama dadkii Hawiyaha ee cariga degaaanka u ahaa aanay doonayn dowlad iyo nidaam kala danbayn leh oo ka hirgala koonfurta Somalia, oo kali sheekadoodu tahay munaafaqnimo iyo khiyaamooyin isu hoos galin ku dhisan, wax ka soo naasa cadna aanay jirin oo ka muuqda in la isu soo dhawaado ayey sheegeen masuullintaas reer itoobiya.

Sheikh Shariif oo aan wax badan oo uu ku farxo ka helin dhanka dowladda Itoobiya ayaa shalay galab ku soo laabtay magaalada Mogdisho isagoo soo maray jabuuti, sida muuqatana Shariifku waxuu u taag la'yahay tiisa oo farha kala raacday ... been ma aha murtida oraneysa " Nin aan gaari fuuli-jirin geedka dhaafa yuu ku wareera .. Noocyada Raga ayaa la yiri " Waa Afki Maal, ama Aduunki Maal amase Adoogi Maal, ama Aragi Maal", Shariifkuna intuba midna ma aha, oo qolo uu indha buuxinayo ma jirto .. mana hayo mana garanayo meel uu wax ka qabto,waxaa ku harereysan sida lagu xanto waa kuwa kama camal Dameero oo sidi Goodirka uu bodbooda oo iyaga laftooda biyo hoostood iska haraatiya ... Shiikhu hadda sidu uu sii socdo Aqal buu isku xiraya markay naftu qabatana waxuu ku ordaa socdaal uu xabada ka barbar dhaceysa kaga soo nasto .. Akhristow haddi meel aan xaqiiqo oolin dawladnimo laga baaro,waxay runtu tahay waa kiis daba wareejin aan meel mareyn, oo halkaas waxaa muuqata xitaa rajo beenaadkii aan isku maaweelin jirnay iney soo xirantay, sidaa daraadeed sheeko qufkooda kolba deynmeyne aan kabta iyo xaarkeeda hal mar isla tuurno.