Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Masfin-ka Itoobiya Oo Si Bareera Aan Biyo Is Marin Ugu Amray Faroole Inu Wasiradiisa Qaar Raacdeeyo

Sunday - April 4, 2010

Dhawaan Madaxweynaha Punt-land markuu Adis Ababa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee miciyaha waabaayada ugu laabanyihiin Mr Ato Seyoum Masfin, waxaa loo akhriyey warbixin ay soo diyaariyeen Sirdoonka Itoobiyaanka Uu fadhiya Magaalada Garoowe oo ku andacoonaaya Rag ku jira maamulka sare ee Punt-land oo lobbyist iyo daacad u ah Islaamiyiinta Xag-jirka ah ,waxayna u kala  agaasimeen warbixintaas sidatan: 

!- Wasiirkii Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga Ah Ee Puntland Dr. Daauud Maxamed Cumar" Bisinle" Oo Lagu Eedaynaayo In Gaari Uu Lahaa Uu Ka Qayb Qaatay Qaraxyadii Hargaysa Lagu Weeraray 29-kii October 2008.

Ato Seyoum Mesfin ayaa sido kale Carbaabay Gudoomiyaha Gobolka Bari, oo lagu eedeeyey inu ka mid ahaa Soomaali dalka Bakistaan laga soo tarxiilay oo ku eedeysnaa argagixiso, waxuuna wasiirka intaa ku daray in Shiikh Cabdi-xaafid Cali Yuusuf uu ahaa arday wax ka dhigta jaamacada islaamiga ah ee Islamabad, dabadeedna in isaga iyo koox u ku jiro ay xiriir sokeeye la yeesheen Urur weynaha Al-Qaacida inkasto oo markii dambe saaxiibadi loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Guwantanamo Bay, laakiin isaga loo soo tarxiilay dhinaca Somaaliya

Waxaa iyagana liiska laga akhriyey, Duqa degmada Bosaso, Duqa Degmada Garoowe Iyo Weliba Duqa Degmada Gaalkacayo, isaga oo dhamaan MasÂ’uuliyiintaa ku tilmaamay kuwa Xagjir ah oo Xiriir Sookeye la leh Argagaxisada, laabtana ay ku hayaan libin baa dhaw iyo jihaad

Wasiir Mesfin Gebredingel ayaa sii toosa Madaxweynaha Puntland Ugu Yiri " Ethiopia ma fiirsan karto, ragga Xilal ka haya Puntland isla mar Ahaantasna Xiriir la leh Kooxaha Xagjirka Ah"
Wasiirka Arrimaha dibada Ee Ethiopia ayaa sheegay In Ragga uu Eedeeyey ay yihiin kuwa Dhibaato weyn ka soo socoto hadii aan laga hortegin cuqubooyinka ay soo wadaan waqtiyada soo socda.

Waxaa warbixintu sii cadeeysay in Duqa Degmada Garoowe Cabdi-casiis Nuur Cilmi ayaa isaga lagu sheegay nin u soo dagaalamay Ururkii Alitixaad ee Cabdullaahi Yusuf dagaalka Adag la galay, oo wixi qunbulado rasaas iyo wixii balo ka qiiqeysey uu isagu ka dambeeyey, Waxana la sheegay in Isaga laf ahantiisa dhaawac ka soo gaaray dagaalkaas, Waxana la Tilmaamay inu weli ku dhiiran yahay Fikiro gurucan oo qooman lagu halaago

Duqa degmada Gaalkacayo Cabdiraxmaan Maxamud Xaaji Xasan ayaa isagana la Tilmaamay inu Dhaqaale badan ku Bixiyey Dagaaladii Bandiiradley Iyo iidaale ee Maxkamadu la galeen Ciidamada Ethiopia illa iminkana u xiriir iyo tala bixin la leeyahay.

Duqa Degmada Bosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje Ayaa isagana lagu Eedeyey inu Xiriir dhow la leyahay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Uuna ka mid ahaa Dadkii u soo dagaalamay Aweys Xilligii Dagaalkii Itixaadka, Ee Degaanka Saliid waxana la sheegay inu yahay nin Weli Wata Fikiradahii Xagjirnimada ahaa.

Warbixintaan oo Qoran ayaa si Rasmi ah loogu gudbiyey Madaxweyne Faroole, waxana loo sheegay in Raggan uu sidaa ugu dhaqsaha badan Xilalka uga qado, isla markana U la Yimado Dad Macquul ah oo aysan Maskaxdooda ku jirin Fikiradaha Xagjirnimada.

Madaxweyne Faroole oo sidi ruux sarkhaansan dhabada qaaday, ayaa la aqoon sida uu Arrinkan loo soo gudbiyey U Xalin doono, In kasta wafdiga la socda rag ka mida kuna dhow dhow Madaxweynaha ay ku tilmaameen codsiga Masfiin mid lagu doonayo in shacabka Soomaali Xabaal lagu hubsado, waana inkaar nagu biirtay oo aan anagu isu geysanay ayey yiraahdeen ... warku waxuu intaa raacinaya oo laga soo xigtay isla wafdiga in madaxweyne Faroole ay ku adkaatay diidmada soo jeedintaas wasiir Masfin oo inta badan u ka Aqbali-doono.