Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Karazai Oo Yiri Waan Ku Biiraya Wadaadada Loo Bogay Ee Dalabaan Iyo Obama Yiri "Waa Ka Af Iyo Been"

Monday - April 5, 2010

Madaxweynaha Dalka Afaganistaan ayaa meel ay fadhiyaan 90 Xildhibaan si calool adeyg ah u booteeyey kuna goodiyey inu si toosa ugu biiri-doono Wadaadada loo bogay ee hubeysan, waa haddi ayuu yiri xubnaha baarlamaanka ay is-baarada ka qaadi-waayaan sharciga cusub ee ku jiheysan doorashada.

Madaxweyne karzai oo isku buuqsan ayaa intaa raaciyey in diidmada iyo ka hor-imaanshaha xeerka cusub ay ka dambeeyaan il-jabinta iyo gacmaha reer galbeedka oo doonaya in aan wax la manaafacsan waxna la qabsan .. codsi ineysan na kala geyn lacgta Yurub ayuu ku soo daray hadalkiisa ... Karazai waxuu uga digay Reer Galbeedka iyo Mareykankaba siyaasada doc ka weerarka sirgaxan ee lagu faragalinaayo maamulkiisa.

Sida la ogyahayna baarlamaanka ayaa ku gacanseyray mooshin ay dawlada Karzai uu soo bandhigtay baarlamaanka hasa-ahaate tiro cod ku filan ma helin socosiinta sharcigaas ... Sharcigaasna waxuu qeexaya in Madaxweynaha u magacaabikaro gudiga Dacwada iyo Dulmiga xadgudubyada doorashada, sidaa daraadeedna ayaa keentay in madaxweyne Karazai caroodo oo colaad gaar u qaado mareykanka iyo xulafadiisa.

Isla markaa madaxweyne Karzai waxuu la kulmay madax dhaqameedyadii qabaaiilka gobolka Qandahaar oo tiradooda dhameeyd illa 1500. sido kale ayuuna kaga goodiyey goobti shiirka isagoo uu muujiyey cuqaashaas in Duub la iibsado ay tahay dulinimo, taaso u ula jeeday in odayaashaas uu ku beerlaxaawsado inusan ahayn adeege ama camiil u adeega dawlada kale danahooda. waxaana goobta shirka la fadhiyey General Stanley Mcchrystal oo wax hadal ah aan shiirka ka jeedin.

Garab ka mida Dalabaanka oo qabiil-dhaw la ah madaxweyne Karzai ayaa soo dhaweysey hadalkii karazi uu kula dhacay Mareykanka waxayna yiraahdeen " Karzaayow ifkaan waayo noo joog"

Madaxweyne Obama oo hadalka Karzai mashruuc mug weyn kaga furmay ayaa isna dhiniciisa iyo aragtiidiisa ku jawaabay " Karazai warkiisa waa ka af iyo been"