Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Astaamaha Ay Iska Shabahaan Hindida - Itoobiyaanka - Somaalida

Tuesday - April 6, 2010

Waxaan aad ugu kuurgaley astaamaha ay labadan wadan ee Hindiya oo ku taal qaaradda Asiya iyo wadanka Itoobiya oo ku yaal qaarada Afrika astaamaha ay ummadahooda iska shabahaan ama iskaga eegyihiin.

Muddadii aan uu kuurgalayey astaamaha ay labadan Qoomiyaddood isaga eegyihiin waxaan ku-ogaaday in ay jiraan astaamo dhawr ah oo ay isak-shabahaan.

Run ahaanti astaamahani wey ka yaabin doonaan akhristayaasha oo inta badan ay dhicikarto iney labada qoomiyadood arkeen. Hadaba dhawrka qodob ugu horeeya ee aan ogaaday inay dadyowga labada dal ee Hindiya iyo Itoobiya iska shabahaan waa kuwa soo socda.

Kaaddida lala istaago gidaaradda

Labadan Qoomiyaddood ee Hindida iyo Itoobiyaanka waxaa caado u ah in ay kaadida la istaagaan gidaarada, iyaga oo aan haba-yaraatee cidna ka xishoonayn, taasi oo ka noqotay wax caado u ah ama dhaqankooda ka mid noqotay oo aan la iskula yaabayn. Dadka ajaanibka ah ee ku cusub Hindiya iyo Itoobiya ayey fajac iyo amakaak ku noqotaa markey arkaan dad waayeela oo sara-jooga meelaha jidadka ah ku kaajaya ... Hadii aynu nahay ummadda Islaamka gaar ahaan somaalida waa ka mamnuuc dhaqankaas khilaafsan diinta islaamka.

Bakheylnimada Labadan Qoomiyaddood ee Hindiya iyo Xabashida

Waa laba Qoomiyaddood oo aad ugu caan baxey bakheylnimada. Runtii waa dad aad u gacan adag oo aan is caawin,waxna wada cunin. Taana waxay keentay in baahi badan iyo fiqiirnimo ku habsato labada dadyoow ee Hindiya iyo Itoobiya ... Dhaqan uma laha in ay wax wadda cunaan sida Soomalida oo lagu yaqaan in ay yihiin dad ama Qoomiyad wax wada cunta oo isku-dul-nool.

Soo jireenimada ama Facweynida Taariikheed.

Hindiya iyo Itoobiya labaduba waa laba dal oo soo jireena taariikh weyna ku leh dunidan aynu ku nool nahay. Waxaynu ka war qabnaa in ay Itoobiya soo xukumi jireen boqortooyooyin muddo dheer, taariikh weyn dunida ku leh sidoo kale dalka Hindiya, waxaa ka soo talinjiray boqortooyooyin aad u facweynaa oo Muslimiin u badnaa.

Horay U Seexadka Habeenkii.

Hindida iyo Itoobiyaanku waxay dhaqan u leeyihiin in marka gabalku dhaco horay u hoydaan si ay guryahooda ugu nagaadaan horeyna u seexdaan. Labadan Qoomiyaddood aad iyo aad ayey uga duwan yihiin Qoomiyada Soomaalida, sababta oo ah Soomalida waxaa lagu yaqaanaa saama-leyl iyo soo-jeed aan faa’iido ku jirin, waa Qoomiyadda kaliya ee habeenkii saama-leyl ku dhaqanta meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin.

Waddaninimada iyo Dal jaceylka .

Waddninimada iyo Dal-jaceylku waxay kamid tahey astaamaha ay labadan Qoomiyaddooda isaga-midka yihiin. Marka aad la sheekeysato qof Hindiya ama Itoobiyaana labaduba waxay kuu ammaanayaan dalkooda taas oo ku tusineysa sida ay u jecelyihiin dalkooda iyo Waddaninimada ka muuqata,

Nabad Jaceylka Labadan Qoomiyaddood ee Itoobiya iyo Hindiya waa laba qoomiyadood oo aad nabada u jecel laguna yaqaan in ay yihiin dadyow bilaa rabshada oo dhibaata-yar. Waxay markasta xeeriyaan nabada, waxayna ogyihiin qiimaha nabadu u leedahey mana aha sida Soomaalida dad dagaal iyo rabshad badan.

Muusic Jaceylka.

Labadan Qoomiyaddood waxay labaduba aad iyo aad u jecel yihiin Muusiga markastana waxay dhageysanayaan Muusig, sida marka la saran yahey Basaska, Tagaasida iyo Gaaddiida kale. Waxaa taa kaga sii daran labadan Qoomiyaddood marka ay dhageysanayaan Muusikada aad ayey u dalacaan codka taas oo aad u dhibsaneysid hadaad Soomaali tahay goobta ka agdhaw.

Nidaamka Dowladdeed ee ay ku dhaqmaan Labadan Qoomiyaddood.

Waxay iska shabahaan nidaamka Dowladdnimo ee ay ku dhaqmaan taas oo ay labaduba ku dhaqmaan nidaamka loo yaqaan Parliamentary ama Prime Ministerial system,, kasoo ah Ra’iisal-wasaare iyo Madexweyne, awoodana uu leeyahey Ra’iisal-wasaruhu. Waxay kaloo isaga mid yihiin nidaamka goboladan gaarka isku xukumaya iyo dawladda dhexe ee uu u taliyo Ra’iisal-wasaharuhu iyo Madexweynuhu, heshiisyada iyo shirarka caalaamiga ah waxaa u matala Ra’iisal wasaraha. Gobolada Itoobiya waxay leeyihiin Madaxweyne halka Hidnya ay ka leeyihiin Chief Minister.

Jahliga Ka Hayeysta Aqoonta Guud.

Labadan Qoomiyaddood waxaa daah madow ka saaran yahay aqoonta Guud taas oo taariikhda jahli ka hayo, sida dalalka adduunyada iyo xaaladaha ama dhacdooyinka ka dhacay ama ka dhacaya dunidan aynu ku nool nahay. Tusaale ahaan Hindida waxay markasta ku weydiinayaan dalka aad ka timid marka aad tiraahdo waxaan ka imid Soomaliya ama Itoobiya waxay ku oranayaan halkee ayey ku taalaa, waxaan markaa ugu jawaabaa Afrika, kadib waxay la soo boodaan ma South Africa oo dalka qura ee ay Afrika ka yaqaanaan waa South Africa, taana waxay ku barteen ciyaarta Cricketka oo South Africa iyo Hindiya ay wada ciyaaraan waxayna ka barteen Shaashadaha telefishanada.

Xiiseyn La’aanta Siyaasada .

Dalka Dadyowga Hindiya iyo Itoobiya waxay ka siman yihiin xiiseyn la’aanta Siyaasada dalkooda. Labadan Qoomiyaddood aad iyo aad ayey uga duwan yihiin Qoomiyadda Soomaalida oo lagu yaqaan in ay tahay Qoomiyad aad u qaadaadhigta Siyaasada dalkooda iyo halka ay wax marayaan, hadba Hindida iyo Itoobiyaanku waa dadyow aan xiiseyn ka hadalka Siyaasadooda, waxayna ku mashquulsan yihiin nolol maalmeedkooda kale.

Shaqooyinka Adag Ee Dumarku Qabtaan.

Labadan Qoomiyaddood Dumarkoodu waxay qabtaan shaqooyin adag sida: Dhismayaasha oo ay ka shaqeeyaan; Dumarkooda oo Kirish-boy ka noqda Basaska u kala goosha Caasimadaha iyo Magaalooyinka waaweyn dhexdooda; Dumarkooda oo ku badan Military iyo Bileyska; waddooyinka oo ay dhisaan I.W.M. Si Xun Ula Dhaqnka Dumarka Dadyowga Hindiya iyo Itoobiya waxay labaduba ku can yihiin sida waxshinimada leh ee ay ula dhaqmaan Dumarkooda. Itoobiyaanku si naxariis-darro ah ayey u garaacaan Dumarkooda halka ay Hindidu hadii ay Dowri siin weydo ninkeeda uu khaarajinayo. Dumarka Qoomiyaddahan waxay ku noolyihiin cabsi joogto ah. Waxaana had iyo jeer ku arkaa joornaalada Dumar ay ragoodii gubeen ama ay sumeeyeen kadib markii ay Dowri siin weydey ninkeedii ama ay ku yareysey. Runtii dhibaatadan heysta Hindida iyo Itoobiyaanka Dumarkooda waa mid ayna la aqabin Dumarka Soomaalida ah..

Lacagta Oo Aan Laga Dirikarin Dalka Dibadiisa .

Runtii waxaa marnaba aan suurtagal ahayn in aad lacag dibada u dirto. Labadan dal ee Hindiya iyo Itoobiya wax lacag ah oo dalka dibadiisa looga dirikaraa ma jirto. Runtii intii aan ku noolaa Itoobiya waan tijaabiyey in aan lacag ka diro weyna ii suuroobiweyday, Hindiyana way igu adkaatey in aan lacag ka diro, waana sharci u yaala labadan wadan.

Cuntadda Basbaasku ku badan tahay.

Labadn Qoomiyaddood waxay ka helaan cuntada (Spicy food) ah waa cuntada basbaasku ku badantahey oo ay aad uga helaan, waxaa la yaable iyaga oo had iyo jeer cunaya cunto basbaas badan leh hadan arkimeysid dad sidii Soomaalida ka cabanaya cudurka Gaastiriga.

Khiyaamadda Marka Aad Wax iibsaneyso Labadan Qoomiyaddood waxay caan ku yihiin khiyaamada marka aad wax ka iibsaneyso. Tusaale ahaan marka aad rabto in aad shey ka iibsato waxay dulsaaranayaan lacag dheeraada hadii ay kuu arkaan in aad tahey qof ajnabi ah. hasa ahaate Markaad aad in mudo ah la qabsato dalalkaas Itoobiya iyo Hindiya lagama yaabo in ay kugu sameeyaan khiyaano.

Baahida Xad La’aanta Ah.

Labadan dal aad iyo aad ayey baahidu u biyo dhigtey, tusaale ahaan marka aad la socoto gaadiidka labadaas dal ee Itoobiya iyo Hindiya waxaad ku arkeysaa dariiqyada dad aad u badan oo dawarsanaya oo u badan naafo, waxaad kaloo arkeysaa dad cuduro kala gadisan qaba oo aanad indhaha siinkareyn.

Diidmada Sarifka Lacagta.

Labadaan dadyoow waxay aad u dhibsadaan in aad lacag ka sarifato adiga oo aan waxba ka iibsan, wayna ku diidayaan in ay lacagta aad sidato kuu sarifaan, waana dad xasadku ku badan yahay oo daneystayaal ah.

Waxbarshadda Iyo sida Ay U Qadariyaan.

Runtii labadan Qoomiyaddood waxay aad iyo aad u jecel yihiin waxbarashadda, waxaanad arkeysaa dad waayeel iyo carruurbale oo buux dhaafiyey goobaha wax lagu barto. Hindidu weyba caabudaan waxbarshada, waxayna ku oranayaan (It is our God), sidaas ayeyna aaminsan yihiin. In ay labadan dadyoow waxbarashadda qadariyaan xoogana saaraan waxaa ugu wacan hadii qofku jaahil noqdo cidi caawin meyso, shaqana helimaayo markaa taas ayaa kaliftay.

Hurdada Marka Gaadiidka La Saaranyahey.

Labadan dadyow waxay aad isaga-shabahaan hurdada marka gaadiidka la saran yahay. Waxaad arkaysaa dadyowga labadan wadan marka aad la safrayso iyaga oo wada hurda oo khuurinaya, hurdadu si aad u fudud ayey ugu timaadaa, balse Qoomiyadda Soomaalida ma aha dad ku lulooda safarka waxayse qabsadaan sheeko, taas oo dhammaan dadka la saaran gaadiidku ay karaahaystaan.

Soo Diyaariye : Mukhtar Mohamed Abby - India, Karnataka State