Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dawlada Mareykanka Oo Walaac Ka Qabta Xag-jirada Mitidiinta Ku Soo Kordhaya Somaaliya

Tuesday - April 6, 2010

Maamulka Obama ee dalka Mareykanka ayaa laga yaabaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu kor ugu qaado taageerada militari ee uu siinayo dowlada taagta daran ee federaalka Somalia taasoo ah arrin siyaasadeed oo ku qasbaysa waaxda gaashaandhiga ee Pentagon-ka inay sii wado doorkeeda aan muuqan ee ay kula dagaalamayso kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Somalia. Labada arrimood ee uu Mareykanka isku garab wado ayaa kala ah:- Hal dhinac, Mareykanka ku doonayo inuu ku curyamiyo awooda mintidiinta Al-Shabaab oo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin cadowga Mareykanka ee Osama Bin Laden kuna hanjabay inay weerarayaan Kenya. Taasina waa arrinta keentay in Mareykanka uu isticmaalo diyaaradaha aan cidina wadin si uu u bartilmaameedsado hogaamiyayaasha Al-Shabaab. Dhinaca kalena, Washington waxa ay ka walaacsan tahay in ku lug lahaanshaheeda militari uu sababo inay dhalato taageero ay Somalida siiyaan dagaalyahanada Islaamiyiingta. Mintidiinta ayaa horey u helay taageero shacbiga ah oo ay ku guuleysteen halgankoodii ay sanadkii 2008-da dalka uga saareen ciidamada Ethiopia ee Mareykanka uu taageerayey. Caga-jiidka Mareykanka inuu si toos ah u farageliyo mushkilada Somalia ayaa loo aaneenayaa in taasi ay sii kordhisay in kooxaha Islaamiyiinta ay xidido ku yeeshaan dalka. Madaxweynahi hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa si dhaqsiya ciidamada Mareykanka uga soo saaray Somalia sanadkii 1993-dii ka dib markii gudaha uu kaga furmay dagaal siyaasadeed oo ka dhashay dhimashada 18 askari oo Mareykanka oo lagu dilay Muqdishu xiligaasi. Iyadoo mar horeba uu dagaal uga furnaa wadamada Ciraaq iyo Afganistan, ayaa maamulka Obama waxa aanu hayn heelanaan uu ciidamo ugu diro wadan kale oo saddexaad oo uu ka furan furan yahay mashruuca waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada. Johnnie Carson, oo ah masuulka ugu sareeya ee Obama ugu qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa bishii hore diiday talooyin ku saabsanaa in talaabo militari oo toos ah uu Mareykanka ku sameeyo Somalia. “Mareykanka ma qorsheenayo, mana agaasimayo, manaya isku-dubaridayo howlgalada militari ee dowlada KMG, ma bixinayno mana bixin doono taageero militari oo toos ah oo siino dowlada Somalia,” ayuu shir jaraaíd ka sheegay Mr Carson. Waxaa intaa dheer buu yiri in aanu bixinaynin la taliyayaal militari oo aan ku yaboohno dowlada KMG. “ma jirto baahi ah in la Mareykan-gareeyo dagaalka Somalia,” ayuu Carson sii raaciyey hadlakiisa. Si kastaba, Mareykanka waxaa baaqi u ah hal arrin oo ku dhiiran karo inuu weerar toos ah ku qaado Somalia taasina waa marka Pentagon-ka uu arko bartilmaameedyo la hubo sida dhacday bishii September ee sanadkii hore markaasoo ciidamada qaarka ee Mareykanka oo isticmaalaya diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay dileen hogaamiye ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugnaa koonfurta somalia.