Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Nin Sacuudi Oo Si Lama Filaan Ah Ku Ogaaday Inu Qabo Habaryartiis

Wednesday - April 7, 2010

Sacuudiya - Riyaad: Nin Sacuudi ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey S.M. da'diisu tahay 44 Sano, ayaa si kadis ah ku ogaaday in xaaskiisi uu qabay 14 sanadood ay tahay Habar-yartiis .. Ninkaas oo ku nool magaalo la yiraahdo Baha ee dhinaca Riyaad ayaa la xusay in mudada lamaanahaas is-qabeen aysan waxba isu dhallin.

Ninkaan ayaa maalin maalmaha ka mida soo booqday islaan ay qaraabo yihiin oo magaalo kale degan iyado la socotay Habaryartiis oo xaaskiisa ah.

Islaanti qaraabada la soo booqday ayaa markey indhaha ku dhufatay xaaskii uu Ninka watay ayey hadashay oo tiri; subxaana laahi gabadhaan waan garanaya goobtina ku sheegtay in Ninka hooyadi iyo Xaaskaan uu wato ay Naas hooyo wada nuugeen ... dabadeed ma daama Ninka iyo marwadiisa ay ahaayeen kuwa haysta caqiidada muslimka, waxay durbadiiba garawsadeen in shareecada islaamka awgeed aysan isu noqonkarin dad isqaba sidaa daraade ayey halkii isku dhageen oo noqdeen Nin iyo Habaryartiis, ugu dambeystiina warqadihii kala qaateen.