Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalin Sh.Shuceyb

Thursday - April 8, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Fasax Gaaban Galay Awgeed Waxaa Maanta Casharka Halkiisi Ka Soo Diyaariyey Al-Akh. Xasan C. Madar

Ujeeddo Casharka Maanta:  Habaarka Iyo Somaalida ... Afkaaga Ka ilaali Habaarka Oo Dadka Carabkaaga  Ha Ka Nabadgalo. 

                                          ------------------------------------------------------------------------------
Yaraantaydii waxa la i baray in haddii qof ku habaaro aan la isku hawlin in habaar kale lagu celiyo balse si fudud loo yiraahdo " isla hel ", markaasna habaarkii aanu waxba ku yeelayn ee qofkii dib ugu noqonayo.
Markaad aragto Soomaalida, cid kastoo ay tahay, meel kastoo ay joogto in shaag u rogman laayahay oo iska dabawareeg iyo meehannow ku jirto, waxad is oranaysaa ma laha way habaaran tahay... Markaa waxad u baahanaysaa inaad dib u eegto Soomaalida iyo habaarka hadda iyo horrayba ... Waxad ogaanaysaa in Af Soomaaliga habaarku ku badan yahay oo ducadu ku yar- tahay... Habaarku halhays buu u noqday, afka ayuu u saaran yahay, dibnuhu si hubsiimo la’aan ah bay u soo tuuraan. Ma ogin inuu mar walba qalbiga ka soo go’ay iyo in kale. Waxad maqlaysaa:

Lagu qabay
Lagu dhufay
Lagu qaad
Lagu sii qaad 
Laguuma aayo
Laguma arko

Adiga oo yaaban baad dhaqaaqaysaa, meel kalaad tegaysaa, waxad haddana maqlaysaa:
Beerka lagugu dhufay
Caana waa
Caana ha dhamin
Qalladi ku dishay
Qumayo ku jaqday .. ku qaaday 
Qaaxo ku dishay
Xabbadi ku dishay
Belo ku degtay

Haddana waxad arkaysaa habaarkii oo dhaar isu beddelay:
Waa taan aabbahay waayaa
Waa taan ku waayaa
igu aabbo
Waa taan gablamaa...
Kufurtu billaahi....

Intani waa tusaale uun laakiin gobol walba inta wada degtaa waxay leedahay af habaar u gaar ah. Inta wada dhalatay iyo inta kala dhalatay iskuma turaan habaarka way u siman tahay.

Suugaanta lafteeda ayaa habaarku ku badan yahay. In badan waxad maqlaysaa hebel waa Kuhaan oo gabay buu ku Tafaafulay hebel uu wax weydiistay oo u diiday ama hebel waxyeello u geystay. Ereyga Tafaaful oo ah Habaar suugaaneed in badan suugaanyahanku si qalloocan ugu adeegsado xikmaddii eebbe siiyey, waxay gayeysiisaa inay aakhirka isaga dib ugu soo noqoto.

Haddaad ka mid ahayd inta yar een habaarka aqoon, marka maalin walba habaar jaadkan ahi dhagahaaga ku soo noqnoqdo ee aad ka maqasho waalidkaa, macallinkaaga, saaxiibadaada, dariiskaaga iyo inta aad meel walba kula kulanto, adiga laftaada ayaa dhicikarta ugu dambeysta inaad la qabsato habaartanka ... ummad is wada habaartay oo isla wada helay baa la leeyahay maxay u hagaagi la'yihiin.
Haddaad doonayso inaad ifka ku liibaanto afkaaga ka ilaali habaarka oo dadku carrabkaaga ha ka nabad galeen. Ka ilaali suugaantaada tafaafulka iyo kuhaanka oo u adeegso ugu hiilinta xaqa, la dagaallanka sharka, samafalka iyo wanaag farista, waa hubal inaad liibaani.

Intaani Waa Tusaale Laakin Gobol Walba ama Inta Wada Dagta Waxay Leedahay Af Habaar U Gaara ... By Xasan C. Madar