Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Maanta Iyo Wararka Bulsheynta Gogosha Qaxwada ... Caffee Espresso

Friday - April 9, 2010

Maxaa Itoobiya Ka Socda - Xageese isla marayaan Meles iyo dariiqooyinkiisi Somaaliya ?

Waxaa magaalada Adis Ababa waayahaanba ka dhex bulaamaya tiic-tiicyo murago calaacal haweeno seygoodi laga toogtay, halkaaso shacabkii itoobiyaanka iyagoo gidaarada ku naban aad moodo iney talo ku cadaatay oo ciil ay ku gadooday ...  Meles oo is muujis awgeed Tunkiisa maalin kasta daawada, sheekadiisu waxay ku dhamaatay wixii kursigiisa damca xabaalaha in la dhigo.

Waxaa la yiri : Sadex Rag Waa Ku Heshiiya , Sadexna Waa Ku Halagmaa:

1- Kaaga Haray Rag Waa Ku Heshiiya 2- Ku Hambeeyey Rag Waa ku Heshiiyaa 3- Ku Hureyna Rag Waa Ku Heshiiyaa.

Sadexse Waa Ku Halaagmaa: 1- Hami Been Ah Rag Waa Ku Halaagmaa 2- Hanti Booli ah Rag Waa ku Halaagmaa 3- Hooto Dagaalna Rag Waa Ku Halaagmaa.

Malese oo nasiibkiisa la kulmay ayaamo wacan waxna uu toosmeen ayuu isu qaatay Daa'uuskii isagu is galay oo dabadeedna wax bog iyo baabaco leh oo loodiya la waayey,waxuuba hadda ka daro dibi dhal dadkii Soomaali ula yimi dariiqooyin uu diin ku sheegay lagu raad-gadanaayo oo ku Xarako - xadroonaya ... Hubaa laba kordhaban ... Hiilbaa laba hoos dhaban ... Hog baa laba godan ... Bombaa laba kordhaban  ... Hog baa laba godan ... Burdaa baaruud laga reebay ... Wankii bari leh ayaa balaayada  kaa dabaale ... Riyo buurbuurano Orgi waa balaaye .

Meles waa Nin bahaloobay oo sidi raq dugaag helay ku dhagan Somaaliya saameyna ku yeeshay Dariiqooyinka iyo Shabaabkaba intaba waxuu ugu dambeyn koox kasta qorta uu suray kitaab la yiraahdo "Qumane" oo uu ka helaayo qiil uu ku jihaado iyo cida u la jihaadayo,waxaase laga waayey qiil lagu kala bogsado oo lagu heshiiyo,sido kale ma jirto cid ay wax ka maqlaayaan , ileyn waa ummad balaayo ku faruur xirane, waxaaana qosol noqotay Subxaana-laahi markay Ubadka Reer Dhoobey shabeelada hoose, ay Suurada "Quluwalaahu Axad" Ugu fasireen "Fiqi Tolkii kama jano tago" iyo inaa Acdeynaak oo ay ku sheegeen " Waa indha -cadeyn" kuwaaso ay ka soo xigteen Kitaabkooda hogaga iyo hoobaaqaha qarsoon ee "Warmooge" lagana barto sida loo falkiyo dhibaatooyinka bulshada .. Baahi .. Colaad .. Barakac .. Dhalan-dhool .. Baqool .. iyo wax la mida.  

Sorry waa ila taraaraxday mixnada iyo axwaasha Somaalida, Aan u soo noqdo itoobiya . Todobaadki hore maxkamad u gaar ah Meles ayaa xukun dil ah ku riday hogaamiyaha xisbiga gooni ugoosad-doonka ah ee ay dadka Oromada ee reer Ethiopia leeyihiin .

Waxaa kalo oo sida la sheegay in 15-qof oo kalena maxkamadaas ku riday xukuno kala duwan, kuwaas oo ay ku eedaysay dawladdu inay qorshaynayeen inqilaab.

Dadkan xukunka lagu riday 3-kamida ayaa ka tirsan xisbiga Oromadu ay leeyhiin ee dalka Ethiopia, kasoo dawladu ku eedayso inay rabaan in sameeyaan jamhuuriyad ay yeeshaan dadka Oromada ahi. Oromada ayaa ah qawmiyadda ugu badan dalka, waxana ay gaaraan ilaa 40% shacabka Ethiopia.

Dadkan xukunka lagu riday ayaa la soo xirxiray sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii, iyadoo lagu eedeeyay inay xubno ka yihiin ururka Oromo Liberation Front (OLF), ururkaas oo dawladu ku tilmaanto argagixiso.

Intabadan dadkan waxa lagu xukumay 10-15 sano oo xariga, isla markaana looma ogola wax damaanad ah. Laakiin hogaamiyaha ururka OLF Mr. Mesfin Abebe ayaa lagu xukumay dil, sidoo kale Tesfahun Chemeda, oo isna ka tirsan ururkaas ayaa lagu xukumay xabsi daain.

Masuul u hadlay wasaarada cadaalada dalka Ethiopia Mekonnen Bezabeih ayaa sheegay in dadkani ay ahaayeen masuulyiin sar sare oo ka tirsan ururka OLF, isagoo intaasi ku daray in ay isku dayeen in ay inqilaabaan xukuumada Ethiopia.

Dadka xukunka lagu fuliyey waxa ku jira dhawr ganacsade oo Oroma ah, kuwaas oo laba kamida ay ahaayeen mulkiilayaasha hoteelo caana oo ku yaalla Adis-ababa.

Midkale oo ka tirsan dadkaasi oo la yiraahdo Bekele Jirata, xoghayihii guud ee ururka OFDM, urrukaas oo kamida ururadii mucaaradka ahaa ee laga joojiyay inay ka qaybgalaan doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona dalka Ethiopia.

Maxkamda dawlada Ethiopia ayaa ku caan ah in ay xukun adag ku fuliso cidda ay dawladu u aragto inay ka soo horjeedo, isla markaana khatar ku tahay maamulka jira, waxana inta badan hay'ada xuquuqda dadku Ethiopia ku eedeeyaan in ay shacabka caburiso.