Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Mucjizada Aduunka Oo Loo Aqoonsaday Nin U Dhashay Cariga Hindiya

Sunday - April 11, 2010

Vijay Sharma waa nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka India, waxa uu noqday mid caan ku ah dalkiisa gudihiisa kadib markii la arkay xarakaadka la yaabka leh ee uu soo bandhigay, taasoo ah in uu awood u leeyahay inuu u rogo xubnaha jidhkiisa qaabab aanu awoodi Karin qofka caadiga ahi.

Sharma Dadiisu waa 27 sano waxay u bixiyeen warbaahinta dalka naanaysta ah «the man with rubber bullets», taasoo loo bixiyay kadib markii ay arkeen sida layaabka leh ee uu xubnaha jidhkiisa uga shaqaysiinayo taasoo aad mood in jidhkiisa lafaba aanay ku jirin.

Waxa kale oo uu ninkani awood u leeyahay inuu si fudud lugtiisa u soo qaado kadibna sida sawirka ka muuqata inta uu soo mariyo qadaadka danbe uu ku qabsado xabad sharaaaba lugtiisa oo uu ku cabo ama inta uu gacmihiisa mariyo dhabarka oo uu iswaadiriya kadibna ku qabsado calooshiisa iyaga oo ay iswaydaarsanyhiin farihiisu waxa kale oo uu samayn karaa inuu isaga oo taagan lugtiisa soomariyo dhabarka oo uu soo saaro garabka kuna ciyaaro kubada teniska isaga oo tuuri kara 25 senti mitir kubada.

Waxa uu shegay Sharma isaga oo u waramaya warbaahinta dalka India inuu aad ugu daadalayo sidii uu u smaysan lahaa magac isla markaan uu u noqon lahaa nin caalamka oo dhan laga yaqaano.

Waxa kale oo uu intaa kudaray isaga oo ka sheekaynaya goortii uu ogaaday inuu leeyhaya mawhibadan waxaan baran jiray ciyaaraha jayniiska dhawr sano ka hor kadibna waxa I arkay tababarahygii inaan leeyehay awoodo dheeraada kadibna waxa uu igu dhiir galiyay inaan awood u leeyehay inaan dhigo rikoodh cusub oo aan hore loo gaadhin laga bilaabo ilaa wakhtigaa waxaan bilaabay jimicsi farabadan aniga oo isku dayaya inaan markasta soo bandhigo wax cusub oo layaab leh.

Waxa kale oo uu sheegay in xarakaadkan ay arkayaan inuu u soo maray dhibaato badan oo ay kasoo gaadheen qarkood dhaawacyo wax yaabhii iigu darnaa waxa kamida waxaan ka daawaday TV ga barnaamij lagu soo bandhigay waxyaabaha layaabka leh nin inta uu lugtiisa soo mariyo madixiisa ku ciyaaraya kubada teniska ana markiiba waxaan bilaabay inaan isku dayo waxaan waday mudo 3 saaca oo aana marna nasan ilaa aan ka gaadhay in aan qaadi kari waayo xubnihii jidhkayga hadana waan iska seexday aroortii hore markaan toosay ayaan hadana dib u bilaabay ilaa uu hadana iga soogadhay dhaawac oo aan dhiig baxay manaan dayn ilaa aan ku guulaystay

Sharma waxa uu sameeyaa maalin kasta jimicsiga 4 saacadood oo xidhiidha waana ta ufududaysay inuu xariif ku noqdo dhamaan xarakaadka uu soo bandhigo sharma waxa u baratama bandhigyadiisa warbaahinta dalka waxaanu sheegay inuu doonayo inuu ku biro buuga dhacdooyinka caalamka ee loo yaqaano ,(Guinness Book).