Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Dagaal Ay Ku Dhinteen Saraakiil Al-Shabaab Oo Shalay Galab Ka ....

Sunday - April 11, 2010

Sida Uu Soo Tabiyey Wariye Mahad Cali ee jooga Mogadisho ayaa faah faahin dheeri ah ka soo baxday dagaalo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaan ka tirsan Degmada Aadan Yabaal, iyadoo dagaalkaas oo ahaa mid faraha looga gubtay ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Al-Kowsar oo ilaa 30-KM u jirta degmada Aadan Yabaal, waxaana dagaalkaas u dhex maray maleeshiyo deegaanka iyo xoogaga Ahlusuna oo is kaashanaya iyo kuwa Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen meydka dad gaaraya 7-ruux oo labada dhinac ah, laakin Sarkaal u hadlay Ahlusuna ayaa guul weyn ka sheegtay dagaalka waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay jabweyn gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Madaxa howlgalada Ahlusuna ee Gobolka Sh/dhexe Shiikh Cumar Muuse oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa tibaaxay in ay dagaalkii shalay galab ku dileen shan askari oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jireen laba sarkaal.

Waxaa uu sheegtay in ay dagaalka ku dileen taliyihii Al-Shabaab ee degmada Aadan Yabaal iyo talihi Tuulada Al-Kowsar oo uu dagaalku ka dhacay, waxuu sidoo kale sheegay in ay hada gacanta ku hayaan shan kale oo ay nolosha ku qabteen iyo baabuur tikino ah sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee Sarkaal u hadlay Alshabab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Afhayeenka kooxda dagaalka la gashay, wuxuuna Sarkaalkaani sheegay in aaney jirin Saraakiil Alshabab ah oo dagaalkaasi lagu diley

Dadka ku dhaqan Degmada Aadan Yabaal ayaa soo sheegaya in saan saan dagaal ay ka jirto deegaanadooda, isla markaana uu soconayo abaabulo dadka deegaanka ay wadaan, kaasoo looga soo horjeeda Shabaab.
Dadweynaha degaanka oo kaashanaya Ahlusuna ayaa si tartiib isugu fidinaya deegaanada G/Sh/Dhexe, waxaana todobaadkii tagay dagaalo kula galeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas.  Mahad Ali - Mogdisho