Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Burcad-badeedii Halabsaneysey Oo iibsatay Sawaariikh Dhaa-dheer Sun Iyo Waabaayo Leh

Monday - April 12, 2010

Warar laga soo xigtay ciidamada ilaalada caalamiga ah ee xeebaha Somaliya ayaa lagu sheegay in burcad-badeeda Somaaliya ay iibsadeen sawaariikh casri ah oo si fuduud loogu daloolin-karo maraakiibta badaha goosheysa waa hadey amarka burcada qaadan-waayaan, isla markaana lagula dagaalami karo dayaaradaha gurmadka ugu socda badbaadinta maraakiibtaas afduuban. waxay kalo hubkaas u iibsadeen iney isaga caabiyaan maraakiibta badaha u jooga la dagaalanka burcad-badeeda.

Hubkan wax buufiya ee la sheegay in ay iibsadeen burcad-badeeda Somaaliya ayaa waxa durba walaac wayn ka muujiyay saraakiisha ugu sarayasa ciidamada ilaalada caalamiga ah ee xeebaha Soomaaliya ku gaaf wareega, waxana la filayaa inay tani burcadda u fududayso in ay hawlagalladooda si kalsooni ku jirto u xoojiyaan .

Masuuliyiin ka tirsan ciidamada wadanka Spain ka jooga xeebaha badwaynta India ayaa sheegay in hubka cusub ee ay kooxaha burcad-badeedda ah gateen qaarkood lagu magacaabo KPV 14.5. waxana la filayaa in hubkani uu dardar geliyo hawlihii qafaalashada ee burcaddu ku kici jireen.

Hawlgallada burcad-badeeda Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyey kor u kacay, kadib markii dhallinyaradi mandiqadaas xeebaha soomaaliya ku taxan uu masayrkii burcadnimada galay ay suunkii giigsadeen, halhaysna uu noqotay "  Ragi ma adigaa ka haray .. sabool waa dhargay .. Ina Bixi "   waxana burcaddu hadda gacanta ku hayaan ku dhawaad labaatan markab oo ay saaran yihiin in kabadan 200- oo shaqaale kuwaas oo y dhashay wadamo kala geddisan.

Dadka indha-indheeya Siyaasadi Reer Galbeed ayaa tilmaama in farsamadoodi noqotay sidi tusbax go'ay oo kale, waxay dalbadeen doonayeena ayey heleen oo dacarti Somaali ay leefsiyeen ayey iminka nabsigeedi bixinayaan ... Waa la eeday qorshihi qolo qolo iyo Awrtooda ha rarteen ... Waa iyagaas shoolad dalaq yiri oo maraakiibtoodi dibjiradi iyo geel jirihii wax walba ka rogtay si ay yeelaana garan la'yihiin