Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Xad-gudub Uu Ku Kacay Wasiir ibbi Oo Dubaaxisey Damiirkii Ummada

Tuesday - April 13, 2010

Warar maalmihii u dambeeyay isa soo taraya ayaa qeexayay in Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/raxmaan Xaaji Aadan ibbi uu iibsaday mid ka mid ah Maraakiibtii ay laheyd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.

Ibbi oo lagu tilmaamo nin faataadhugleyn badan aan la hayn anshax iyo dhaqan wanaag, wax uu ka xiishoodana aysan jirin ayaa lagu tuhunsan yahay inuu iibsaday Markabkii ugu weynaa maraakiibtii Soomaaliyed ,waxaana la sheegayaa in isaga iyo rag ka hoos shaqeeya ay si gaar ah u iibsadeen.

Rag xog ogaal ah oo la socday xaalada Maraakiibtii hore ee Soomaaliyed ayaa xaqiijiyay in la iibsaday mid ka mid ah Maraakiibtii ugu weyneyd ee hore uu yiilay dekada dalka Yemen.

Inkastoo horaantii sanadkan Golaha Wasiirada ay shaaciyeen in la soo celiyay Maraakiibtii ay laheyd qaranka Soomaaliyed oo yiilay dalka Yemen, ayaa hadana waxaa shaki la gelinayaa in maraakiibtaas ay si rasmi gacanta Dowladda ugu soo laaban karto oo la doonaayo in dhexda laga bixiyo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Shirkad laga leeyahay dalka Yemen ay iibsaday Markabkaas, waxaana jira Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo la sheegayo in ay qeyb ka yihiin iibsashada Markabka Soomaaliyed.

Wasiir Ibbi oo dadka ay ku tilmaamaan inuu yahay nin meel gal gal oo afamaato ah ayaa horay waxaa lagu soo eedeeyay inuu iibsaday Viisooyin ay Dowladda deeq ahaan u heshay, inkastoo markii dambe uu dafiray, iskuna sifeeyay inuu ka dhashay reer hodan ah oo aanay marnaba u cuntamin waxyaabahaas oo kale.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya oo ku aadan hantidii qaranka Soomaaliyed oo ay iibsadeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay wasiir Ibbi qudhiisa.