Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Xagee La Keenay Nidaamka 4.5 ... Sources Shaaciye News

Wednesday - April 14, 2010

ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay nidaamka 4.5 in uu ku yimid intii lagu jiray campainkii dowladii lagu soo dhisay tuulada carta ee wadanka Jabuuti, ayaa la sheegayaa madax waynihii dowladaas C. qaasim Salaad xasan uu la tashiyo ku sameeyay rag badan oo ay isku heeyb yihin (Hawiye) markaa ku jiray in C. Qaasim ku guulaysto madaxtimada Soomaaliya ayay soo bandhigeen wuxuu islaha waa lagu kasban karaa in umadda loo helo hab wax loogu qaybiyo.
 
Warar kale ayaa sheegaya Afhayeenkii hore ee ururkii USC da Eng. Cabduqaadir Madaxeey usoo bandhigay C. Qaasim in uu hayo xal wax loogu qaybin karo umada hadii lagu guulaystana la heli doonto xal waara asagoo sabab uga dhigay in ay jiraan dad aan lahayn dagmo ama tuulo intaba loona bahan yahay in ay dowlada ka helaan xaqooda , taasuna ay dhici karto in la helo nadaam guud ee umada wada gaarsiiya gacan si ay u wada qancaan ayuu usoo bandhigay sidan:
 
 
Xalka umada waa nidaamka 4.5 ayagoo sharaxaad guud ka bixiyay habka ay u dhacayso shaxdu hadii lagu guulaysto ayay u wada riyaqeen dhamaan dadki matalayay campainkii C. Qaasiim iyo C. Qaasim naftiisa tasoo markii danbe loo bandhigay beesha caalamka si loo dhaqan galiyo kadib lagu guulaystay dhaqan galidisii. 
 
Dhanka kale waxaa baariis la sameeyay lagu helay in Eng. Madaxeey habkaas ka soo qaatay nadaam ay beeshiisa hoose ay ku dhaqanto (Wacaysle) oo ah nidaamka 4.5(Bulug) ay ku dhaqmi jireen muda dheer tasoo u sahashay in ay wax ku qaybsadaan si fudud oo qof walba ogaato qaybta ay leedahay ayadoon galin jaha wareer kale.
 
Ugu danbayntii waxaa la sheegay nidaamka 4.5 aysan xal ugu jirin dhamaan umada soomaaliyeed walow ay jiraan dad u arka in uu yahay xal waara, ayan la ogayn inta uu sii jiri karo ma waxow noqon doonaa mid udub dhexaad u noqda awood qaybsiga mise mid la tir tiro.