Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Warbixin Ay Qortay Faaduma Axmed Qorweyne Oo Ay Ku Eedeyneyso Beesha Habargidr

Wednesday - April 14, 2010

Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto waa salaaman yihiin. Soomaaliya Somaali ba leh, cid gaar u lehna ma jirto, cid madaxnimada gaar u lehna ma jirto taasina waxaa daliil u ah warkayga in cid walba ciddii Ummaddani ay doorato aan raali ka ahay, maxaa yeelay anigu waxaan mar walbo ayidayaa oo misana daafacayaa Dawlad walbo oo ka curata Dalka. Waxaan ayiday Dalwaddiihii ku kala dambeeyay Dalka oo dhan  sida tii Cali Mahdi, tii Cabdiqaasim, tii Cabdullaahi Yuusuf iyo tan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aaminsanahay had iyo jeer in sharafta Dalkeenna iyo Dadkeenna ay ku jirto Dawladnimo oo Dawlad kaliya ay soo celin karto sharaftii luntay ee Soomalida. Intaasi waa iga afeef waana wax ay marqaati ka yihiin dad fara badan ee ku nool Dalka gudihiisa iyo Dibeddisa. Haddaan u soo gudbo dulucda maqaalkayga magaciisa aan ku xusay Tagoog muruqa ka cun lib iyo galladna ha uga hayn oo  dadka qaarkiis ay yiraahdaan: Tagoog muruqa ka cun ee iska tuur, waxaan ka leeyahay ujeeddo, taasoo ah sidatan:

Waxaan maanta webebka qaarkood ka akhriyay in wasiirada Beesha Habargidir iyo Duduble ay isugu yimaadeen shir ay ku gorfaynayeen danaha beeshooda oo ku aaddan kaddib markii uu shariifka ka dago madaxnimada ama jagada madaxweynimo oo ay u arkaan in uusan wakhtigiisa dhammaysanayn oo dhowaan Beesha caalamka uu u tun wayn yahay Marakaynka ku cadaadinayo in uu isaga dago kursiga madaxwenimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaan ogeeyn ayadoo Beelaha aan magacooda soo sheegay oo caad isku qarinaya ayaa waxay dhihi jireen waxaan raacsannahay Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed taasoo ay uga kasbadeen in uu koow si gaar ah u fiiro-yeesho uguna roonaado jagooyinka sar sare ee Dawladda ilaa ay ka hantaan wax aan Ummadda kale ee Soomaaliyeed helin.

Waxay maanta ay maraysaa in dadkaasi ay noqdaan maanta mid Sheekh Shariif caayo, mid dacaayadeeyo, mid ammaanadii loo dhiibay uu u raro mucaaradka iyo waliba in ay u yeelaan magacyo sida Shariif la soo Gamay, Shariif Afgaduud oo Dawladdana uu madaxwayne ka yahay loo bixiyay Dawladda Taagta daran, Dawladda labada Shariif iyo Dawladda ka talisa 2 km, kuwaasoo noqday kuwo aysan marnaba ka caajisin oo ay ku celceliyaan.

Waxaa shirkaasi oo Beesha Habargidir iyo Duduble laga mamnuucay in saxaafadda xorta ah ay galaan waxaana shirka kaddib wax la waydiiyay wasiir Cabdulqaadir Cali Cumar uuna yiri danaha Beesheenna ayaan ka hadalnay, laakin ay soo if baxday in ajendaha shirka uu ahaa in uu dhici rabo Sheekh Shariif saas daraadeedna ay u tafaxaydan yihiin sidii ay Soomaali oo dhan olole loogu gali lahaa in ayaga uu noqdo ninkii beddeli lahaa Sheekha.-

Waxaa ay mar walbo dabindaabyo kula jiray Shariifka  oo  aan ka warqabno in nin wasiir ah oo saaxiibkiis ah u daabuli jiray hubka la siiyay Dawladda in ay isku difaacdo  ciidammada islaamiyiinta ee ka soo horjeedo Dawladda midnimo qaran  oo waliba markii arrintaasi faraha lagu soo dhigay caddatay in tiro toban jeer hubka Dawladda loo raray mucaaradka, Sheekhana si uu ceebta u asturo arrintii waa daboolay mana sharci gayn nin khiyaano intaasi ku sameeyay Dawladdii uu ka tirsanaa.

Waxaa laga shiray cid ay daah ka saaran yihiin ma jirto waana wada ognahay in Sheekha mar walbo la shirqoolayay oo dhammaan ilmo Dahabo Toolmoon  ( waa magac cusub, maxaa yeelay Gidireey aan maqli jirnay ) ay ahaayeen kuwa kula dhaqma laba wajiilenimo, waxaana xusid mudan in hadii wariye uu yahay uu geliyo webka kuna in uu qoro qormooyin lid ku ah Dawladda khaasatan uu diiradda saaro Madaxwayne Sheekh Shariif;  mar walbo waxaan aragnaa webabka qaar  la soo saaro dacaayado, been abuur iyo qoraallo lid ku ah Sheekha oo toosh ku ifinayo marinhabaabinayo maalin walbana qoro lacag ayaa la dhacay Ummadda leedahay, Bangiyada adduunka ayaa malaayiin la dhigtay, Ummadda dhabaataysan waxba uma taro, iyo ceebaal been abuur ah iyo Allah ka dheeri. Waxaan ognahay in Madaxwaynaha Galmudug uu boqor Sheekhaal  (abtiyaasheey ) uu ku soo salaamay Nairobi taasoo aan u arko tallaabo siyaasadeed oo ay ka mid tahay olole siyaasadeed ee Beesha Madarkicis Hiraab ay ku tallaabsatay haddana diyaar ay u tahay in la abuuro is gaashaanbuuraysi oo ah sidii kii Caydiid, laakin Beesha Sheekhaal mar dambe dabin kaasi ku dhici doonto waxaana iyaga iyo Muddullood Hiraab  ku heshiiyeen gogol lagu dhigay Hotel Kaah oon goob joog aan ka ahaa Waxaana xusin mudan haddii Madarkicis iyo Maxamuud  ay hooyo wadaag yihiin( waa dudublee ) in Muddullood iyo Martiile Hiraab ay isku hooyo yihiin: taariikhda ayaa dib loo eegay lagana caddeeyay shirkii ay ku heshiiyeen, ciddii goob joog ahayd ayaa  ka marqaati kici karto.
Arrinkaan waxaan uga dhawaajiyay markii Shirkii Beeshu ay yeelatay oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin wasiirro ah iyo xildhibaanno waxaa laga soo wariye in uu Cabdi Qaydiid yiri aniga iyo Indhacadde nagu ogaada hawsha xagga mooriyaannimada.

Waxaa kaloo xusid mudan in rag fara badan ay Itoobiya gaaf wareegayaan in ay ku garab gasho sidii looga takhalusilahaa Shariifka oo booskiisa lo fariisin lahaa ( waa ayaan darro ). Waxaan aragnay in nin dhallinyaro ah oo shaqo aanba ku lahayn inta la soo taagay oo ilaa shaaribada loo soo feereeyayay la soo geliyay webabka oo  la leeyahay waxaa loo doortay Madaxwaynaha Badbaado  Qaran ee Ahlu Sunna Wal Jameeca ( intoow naga soo galay waa yaabe?)  Waxaa socda dadaal fara badan oo dhan walbo looga wareemayo Dawladda uu madaxwayne ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ( waa cag aan joogsan , carab aan xishoon iyo calool aan dhergin, oo ahayd habaarki uu u dhaafay odagii Hiraab). Waxaa tash-wiish lagu furay xildhibaannada dhexdooda oo maanta qaarkood ay guuxayaan una seefo tumanayaan mooshinno ka dhan ah Guddoomyaha Baarlamaanka , Rai'iisul wasaaraha iyo Madaxwaynahan doonayaanna in ay la soo shir tagaan, kaasoo looga dan leeyahay in lagu majaxaabiyo Dawladda.

Waxaa daliil ah oo cad in kuwa isku sheegaya in ay yihiin xildhibaanno oo jooga Nayroobi oo wax aan u hayn Ummadda Soomaaliyeed oo hawshooda ku soo koobantay fadhi ku dirir ay mar walbo qorayaan waraaqo lid ku ah Dawlad aysan ka war qabin una qaybinayaan Hay'adaha Caalamiga ah iyo dawladaha waawayn.

Waxaa afka labadii yeeray Qanyare oo looga bartay war xigmad aan lahayn oo aan  ka tarjamayn xilka uu u hayo Ummad dhan ee uu wakiilka ka yahay oo aan ka xishoon in uu la soo shir tago waxyaabaha qaarkiis oo aan salka ku hayn siyaasad iyo xitaa odaynimo; Maxamed Dheere ayaa hadda ka hor Qanyare ku tilmaamay " tanag uu tuma mar walba ciddii gacanta ku haysa" haddii faraha laga qaadana uu aamusaayo. Hadda ayuu tumay tanagi , wakaa yeerinaya, cidda gacanta ku haysana waa garanaynaa.

Arrintan waa isla joognaa meesheey ku biyo shubato; xaalka Soomaaliyana haddii madarkicis meel walbo ku rafto Soomaali  oo ah qabiilka kaliya oo markasta ku soo dagaal galay wajiyo badan, bal fiirsha:  Dawladihi hore oo dhan iyaga ayaa burburiyey ,  Shabaab  iyo  Xisbul Islaam  waa iyaga. Haatana Ahalu Sunna Waljameeca  ayey kala qaybinayaa si ay awoodooda u wiiqaan. Labaatan (20)  sano ka dib, ummada  Soomaaliyeed aqoon ku filan ayey u leedahay  Beeshaan fidnada badan  ayeyna ka feejigan tahay ayaadana iska leh guud ahaan talada, dabinka loo qoolayana kuma dhici doonaan Insha ‘alaah.

Wa Billaahi Towfiiq -Waxaa qortay - Faduma Axmed Maxamuud Cadde ( Qoorwayne )