Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - April 15, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Fasax Gaaban Galay Awgeed Waxaa Maanta Casharka Halkiisi Ka Soo Gudbindoona: Brother Xuseen Sulub Jaamac

Ujeeddo Casharka Maanta: RIBADA Oo NOQOTAY MUSHKILDA DHAQAALO XUMIDA ADUUNKA MAANTA            ----------------------------------------------------------------------------------- 

Dhaqaala xumo ayaa hayasta Wadaamo badan oo Aduunka ka mid ah, Dhaqaala xumada waxaa lagu cabiraa Halbeeg lagu eego hoos dhaco dhaqaalaha inta boqolkiiba uu hoos u dhacay,halkii uu kor uga socday markii hore, taas oo ay jirto sabab keenaya hoos u dhacaa, hadaba Dadka Aqoonta u leh Dhaqaalaha marka ay cabiraan kor u kaca dhaqaale ee Wadan, hadii uu halabeegu tuso in koritaanka Dhaqaale yaryahay sida 0.1% halka marka uu fiican yahay uu cabirku sheegayo 2,5 % waxaa la oranayaa wuu hooseeyaa Dhaqaalahu, sidaa awgeed ayaa lagu macnaynayaa in ay jirto dhaqaalo xumo arintaa oo natiijada ka dhalataa ay tahay Shaqo la’aanta oo badata, Dakhliga soo gala Dawlada iyo Dadkaba oo hoos u dhaco ku yimaado. Hadab arinta kowaad ee laysku raacsan yahay ee keentay dhibaatadan waxa weeye Ribada taas oo ay sabab u tahay Bangiyada oo kor u qaada Dulsaarka Lacagaha Deynta ah ee laga qaato Bangiyadaa.

Cabirka kale ee lagu Cabiro Dhaqaalo xumada waa eegida kalsoonida Dadku ku qabaan Suuqa hadii ay kalsooni jirto Dadka aad ayay wax u iibsadaan, balse hadii kalsoonidu hoos u dhacdo wax iibsiga Dadkuna hoos ayuu u dhacaa iyagoo bilaabay in ay yareeyaan wax iibsiga, Sababta oo ah Shaqo la’aan ay ka baqanayaan awgeed ,waxaa hadaba jirta marka Bangiyadu kor u qaadaan Dulsaarka waxaa yaraata in wax la kala iibsado, waayo Qiimaha Daynta ayaa badata ee Dadka la saarayo, taas oo keenta in Dadku wax iibsan waayaan sida in ay Guri Amaahdaan oo kale Qiimihii Guriga ayaa kor u kacaya, marka Bangigu hoos u dhigo Dulsaarka Lacagta ama Gurigaba Dadku waxay bilaaban in ay wax iibsadaan, inta badan Dawladaha Qarbigu habkaa Ganacsi ee ay ku shaqeeyaan waxa weeye mar Dulaasaarka ayay jabiyaan taas oo macnaheedu tahay Lacag badan ayaa Suuqa soo gashay, oo lagu macneeyo Ganacsi ayaa jira ,Maraka Dulsaarka kor loo qaadana waa Cagsigeeda Dadku way Baqanayaan in Dhaqaalo xuma jirto sidaa awgeed Lacag badan Suuqa ma taal, oo lagu macneeyo shaqo la,aanta ayaa badan ganacsi badana ma jiro.

Hadaba arinta muhiimka waxa weeye Dhaqaalaha Aduunku wuu isku xidhan yahay oo wax ayaa lakala iibsadaa hab Caalami ah ayaa wax loo kala iibsadaa sidaa awgeed Dhaqaalo xumada ku Dhacda Ingriiska waxa ay wax yeelaysaa Caalmaka kale ee ay wax kala iibsanayaan, taas oo keenaysa wixii ay dhoofin lahaayeen in ay hoos u dhacaan, waayo marka Wadan Dhaqaalo xumo ku timaado waxa ay saamaysaa dhaqaalo xumadaasi Lacagta Wadankaa taas oo kor u kacada ama hoos u dhacda aakhirkana keenta in waxba laga iibsan weeyo tusale , markii Ingriiska Dhaqaalo xumadu ku timi waxaa hoos u dhacay wax dhoofintii 60% taas oo ay sabab u tahay Lacgtooda oo kor u kacaday Aduunku wuu siku xidhan yahay si toos ah iyo si aan toos ahaynba. Hadii Wadamada waaweyn dhibaato soo gaadho way saamaynaysaa Aduunka kale.

Hadaba walaalayaal Diinteena Islaamak way inoo diiday in aan qaadano Ribada waxaa ilaahay SC Quraanka ku sheegay in Qofka qaata Ribada inuu la mid yahay Qof Dagaal gula jira ilaahay iyo Rasuulka NNKHA sidaa awgeed ilaahay haynaga dheereeyo,Waxaa hadaba ah arin lagu farxo oo ilaahay lagu mahadiyo in Dawladahaa ay Aafaysay Ribadu in ay Baadhayaan sida ay u shaqeeyaan Banigiyada Islaamku iyagoo xalka u arka in ay qaataan Nidaamka Islaamka ee Bangiyada, taas oo keentay in Bangiyada Islaamka Xagooda loo soo cararo islamarkaana ay ku soo badanayaan Wadamadan Qarbiga ... Xuseen Sulub Jamac - London