Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ciidamadii Sirdoonka Itoobiya Ka Joogay Konfurta Somaaliya Oo Lagu Soo Daad Gureynaayo Hargeysa

Sunday - April 18, 2010

Dawladda Itoobiya ayaa maalmahaan oo dhan Hargeysa u soo daad gureysay Ciidamadeeda Sirdoonka ee ka hawlgali jiray konfurta Somaliya

Sida ay xaqiijiyeen warar xuuraan oo la socda dhaqdhaqaaqa ciidamadaas ayaa waxa ay sheegeen in laga cabsi qabo in weerar lagu qaado kooxaha ku kacsan Xukuumadda Sh. Shariif hogaamiyo si taa looga hortagana waxa la sheegay Arbacadii iyo Khamiistii aynu soo dhaafnay inay Madaarka Cigaal ee Hargeysa ka soo dageen laba Diyaaradood oo sida Ciidamada Sirdoonka Itoobiya ee ka hawlgali jiray Magaalooyinka konfurta Somaaliya gaar ahaan Muqdisho

Warku waxa uu intaa ku daray in ciidamadaasi markay madaarka ka soo dageen ay saraakiisha Socdaalka Somaliland ee Madaarku ay hakiyeen ciidamadaas balse markii danbe Saraakiisha Sirdoonka Somaliland ka soo kaxeeyeen Madaarka iyadoo sida la sheegay arrintaasi ay sababtay war la’aan ka dhex dhacday Saraakiishii Sirdoonka ee hawsha la socotay iyo madaxda Socdaalka balse ciidamadii danbe si caadi ah looga soo dajiyay Madaarka

Maalmihii u danbeeyayna waxa uu warku intaa ku daray inuu jiray kulan ay ciidamadaas Sirdoonka Itoobiya la qaateen kulan Qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland ay wada lahaayeen iyada oo aan illaa hada si rasmiya loo ogayn dhaqdhaqaaqa cusub ee ay Dawladda Itoobiya wado

Sidoo kalena waxa ay arrintani keentay dhaqdhaqaaq laga cabsi qabo inay dhinacooda sameeyaan kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Somaliya kuwaas oo la filayo inay isku baahiyaan meelo aanay marki hore aysan joogi jirin si ay dhinaca isugu hayaan oo aanu weerarku meel kaliya ugu qabsan.

Dhaqdhaqaaqan ka soo cusboonaaday Somaliya ayaa laga yaabaa inay saameeyaan Somaliland iyadoo wakhtigan Dalka looga diyaar garoobayo Doorashadii Madaxtinimada isla markaana ay joogaan wufuud kala gadisan oo ka socoto Dalalka reer Galbeedka.

Arintani waxay ku soo beegantay iyadoo Madaxweynaha Somaliya, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi kor u dhaafaya 60-xildhibaano ay shalay ka dagen karoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Airport, iyaga oo kasoo kicitimay caasimada dalka Kenya ee Nairobi .

Madaxweynaha oo safar shaqo ku gaaray dalka Uganda ayaa soo gaaray magaalada Nairobi halkaasoo uu kulan kula qaatay gudoomiyaha Barlamaanka iyo xildhibaano hore ugu sugnaa magaalada.
Madaxwne Shariif ayaa labadii cisho ee uu ku sugnaa dalka Uganda waxaa uu tababar usoo xiray ciidamo Somali ah kuwaasoo tiradoosa lagu sheegay 2000 oo askari.

Sidoo akle, ururka Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta somaliya ayaa habeen hore weerar ku qaaday magaalada Libooye oo ku taalla xadka somaliya iyo Kenya.

Koox hubaysan oo ka tirsan urruka Al-shabaab oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 20-dablay ah kuna hubaysan hubka fudud, ayaa rasaas ooda kaga qaaday laba hoteel oo kuwa la seexdo ah kuna yaalla magaalada Libooye ee Kenya.

Rasaastan dablaydu ku furtay huteeladan ayaa la sheegay in ay socotay ku dhawaad 2-saac, waxana dadkii huteelka degenaa la soo dersay naxdin aad u wayn, iyadoo qaarkoodna ay ooda jebiyeen kana yaaceen meesha.

Dablaydan ayaa la sheegay in ay markii danbe u baxeen dhinaca magaalada Dhoobley halkaas oo Shabaab ay degenyihiin. Dawladda Kenya ayaan wax war ah kasoo saarin ninmankan xalay weeraray magaalada Libooye.

Xadka u dhexeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa dhooban boqolaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya, waxana dad badani is waydiinayaan sida ay ugu suuro gashay kooxa han hubaysan in ay gudaha usoo galaan xuduuddda wadanka Kenya.

Dhinaca kale, Saraakiil ka socda ururka Midowga Afrika ayaa la sheegay inay gaareen magaalada Muqdisho kuwaasoo sida aan wararka ku helnay tababar u fidin doona Ciidanka Booliska Dowladda KMG Soomaaliya.

Saraakiishaa oo tiradooda sida la sheegay gaaraysa 7-Sarkaal ayaa waxa ay ka kala socdaan waddamada Ghana, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Oliver Somasa, kaasoo loo soo magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliska ciidamada AMISOM.

Saraakiishan oo qeyb ka noqonaya saraakiisha ciidamada AMISOM, balse ah kuwo Boolis ah ayaa ku shaqeynaya amarka iyo qorshaha ciidamada AMISOM, iyadoo Oliver Somasa uu sheegay in ujeeddada ay Muqdisho u tageen inay tahay inay tababaraan Ciidanka Booliska Dowladda KMG Soomaaliya.