Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kenya Oo Wada Iney Aqoonsato Somaaliland Iyo Hadaaqaas Oo Laga Digaayo

Monday - April 19, 2010

Nairobi : Nin raba iyo kii aan rabinba Kenya ayaa  laga yaabaa inay taageerto Aayaha isku dayga ay Somaliland ku dooneyso inay aqoonsi caalami ah ugu hesho madaxbanaanideeda.

Horay Wafti ka socda Baarlamanka Kenya oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka, Faarax Macallin, ayaa sanadadii tagtay booqday Somaliland oo ujeedadiisu ahayd inay soo darsaan xaaladda dhaqaale, siyaasadeed iyo bani-aadannimo ee Somaliland, waxaana ay qoreen warbixin ku saabsan wixii ay soo ogaadeen oo rajo galisay go'ni isu taaga dadyoogaas, taasi oo ay u gudbiyeen afhayeenka golaha qaranka Kenya , waxaana warku sheegaya in la qabo tuhun in Afayeenka barlamaanka kenya isagoo wax miisaamin mooye loo tumay, dabadeedna maqsuud looga dhigay Kitu Kidoga meel mugdi ah loogu dhiibay.

Afayeenka Haddii uu ansaxiyo, waxa uu u gudbin doonaa golaha Baarlamanka, kaasi oo waqti laga doodo uga qaban doono baarlamanka, ayna suurta gal tahay sida sheekadu ku socoto in la ansaxiyo.

Saraakiil ka tirsan Somaliland oo ku hawlahaan socodsiinta mooshinka, isla markaana doonaya iney billado ku taxaan xubnaha baarlamaanka dhamaantood hadey guusha hibato, ayaa sheegay inay aad ugu rajo weyn yihiin in Baarlamanka Kenya uu ansixiyo aqoonsigooda, walow kuwa reer sool ah oo shaaha la caba kana soo horjeeda qorshahooda ay leeyihiin hungaa taagantihiin oo wax heli meysaan.

Warbixintan Cusub ee sheegaysa in Barlamaanka Kenya ka doodayo Ictiraafka Soomaaliland ayaa ku soo beegantay iyadoo bilihii hore muran xoogan soo dhexgalay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya kaas oo ku eedeyey Faarax Macalin inuu sheegay erayo iska hor keenaya Soomaliland iyo Puntland iyo inuu taageeray Goosashada Soomaaliland.

Nin Oday Somaali-kenya ah oo magaciisa ku soo koobay Sayd Ibraahim ayaa carabka ku dhuftay in dagaal huriye faarax Macalin uu galayo dambiyo aad uu weyn, waxuuna duudka ku xanbaartay ayuu yiri ceeb dandaan le'eg .. Faarax waxuu doonaya iney uu mashxaradaan Jees madax wareer qaaday oo heelada hargeysa tumayso ayuu run uu qaatay .. waxuuna ka shaqeynaaya daallinimo, sun noolna daadinaaya, waxuuna moodaya calanka Somaali calal meel cidla yaala oo aysan ummadi ka dambeyn .. waa nin habaar doonaya waana wixii dilay awoowgiis .. Walee hawtal- hamaga Faarax qoomamo ku dambeyn ayuu hadalkiisi Sayd Ibraahim ku soo gaabiyey.